26th April 2024  admin  Category :

Carabtii iyo Turkiga oo isku haya Libiya ayaa doonaya inay dhibkooda u soo raraaan Soomaaliya, oo ay Soomaali dhexdeeda ka bilaabaan Proxy War

Dalka Imaaradka iyo Turkiga oo isku haya dalka Liibiya oo kala taageersan laba kooxood , ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu argagixisada taageero. Wasaaradda Arimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay inay Imaaraadku taageero siiyaan Alshabaab.

Sidoo kale Turkigu wuxuu Imaaraadka ku eedeeyey in uu xasilooni darro ka wadao dalalka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo Geeska Africa, isaga oo sheegey in dunidu ay ogtahay arrinkaasi.

Dalka Turkiga ayaa horay loogu eedeeyey in askartii uu soo tababaray Soomaaliya iyo hubkiisa loo adeegsado dagaal beeleedyada ka socda Koonfurta Soomaaliya.

Hadaladan labadan dawladood is dhaafsanayaan ayaa ah Proxy War , oo la kala adeegsan doono Soomaalida Koonfurta oo aaminsan in Turkigu yahay Badbaadiye iyo Puntland oo iyaguna aaminsan in Turkigu Koonfurta uuna soo dhaafin , oo haddii Imaaraadka la maago iyaga loo dan leeyahay

Ankara urges UAE to abandon hostile stance toward Turkey

https://t.co/91UNMwyfJB

Image may contain: ‎possible text that says '‎TRT عري عربي TRT @TRTArabi الخارجية التركية: دعم #الإمارات لحركة الشباب الإرهابية وعدد من التنظيمات الأخرى ودعم التحركات الانفصالية في #اليمن معروف وليس سراً Tweet Translate App Web Twitter 20 May 01 0:00‎'‎

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*