29th March 2024  admin  Category :

Dagaalka Kenya Ee Loo Durbaan Tumaayo Somalida Galaysa Waa Tuma?

Waxaan Daawaday Xildhibaan sakariye oo kamid ah Barlamaanka soomaaliya oo ku baaqaya in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah kenya.

Sidoo kale waxaan Maalmahan arkaayay Dawlada soomaaliya oo warqado isdaba jooga udiraysa Dawlada Kenya, islamarkaana si ka aradan Siyaasada ugu hanjabaysa Dalka kenya.

Mar kale waxaan arkay Nin Sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo ku hadaaqaya in Ciidanka Dawlada soomaaliya gali doonaan Nairobi

Intaas waxaa dheer kuwa Facebook kaga yaboohaya dagaalka Kenya.

Hadaba waxaan isweydiiyay Tolow Durbaankan Colaadeed ee La garacaayo iyo Daandansigan Kenya isha farta laga galinaayo hadii midho dhalkiisa la helo oo dagaal ka qarxo Xadka Kenya iyo Soomaliya wa’ayo soomaalida midaysan ee kenya iska celinasa?

Ma dawlada 20 kun ee African-ka ahi ku ilaalinaayan Xamar ayaa Difaacaysa dalka? mise Shacabka soomaaliyeed ee qolaba gobol ugu afduuban maamul Goboleedyada ayaa Difaaca galaya.?

43 sano ka hor ayaa sidan oo kale 1977 durbaar colaadeed somalidu u garaacatay iyagoo nabad isaga jiifa

Waa ololihii ahaa soo calinta Somali Galbeed oo itoobiya laga soo celiyo .

Colaadii iyo Durbaankii xiliga la garaacay somalidu waxay ka dhaxashay mahadho aysan filayn oo sababtay inay burburto dawladoodii xooga weynay kadib-na 30 sano oo kale ayay is cuneen sida Balaha somalidi garaacaysay durbaanka colaada Itoobiya,!

Ku darso waliba xiliga somalidu u heelaneed colaada itoobiya waxaa la helaayay somali midaysan oo isku meel uga soowada jeeda Itoobiya maanta-se taasi majirte yaa la ha laagaya tolow.?Ma Mareexaanka Xuduudka?

Waxaa xaqiiq ah in Colaadan Kooxda Nabad iyo Nolol tumayaan ee uu Ka yahay Hogaamiyaha Farmaajo uu dhaxal keeda helaayo sidii siyaad Barre u helay Dhaxalkii colaadii itoobiya oo uu dibada ku dhintay isagoo qaxoonti ah,

Kenya ma labada wadaad ee Ahlu sunna la mooday mise Wasiir Jananka Mareexan ee Mareexaanka kale Baacsanaayo?

Dawlada Xooga leh ee kenya U Babac dhigaysa may Bu ”alle xorayso oo Xamar Amnigeeda sugto oo u furto wadooyinka Shacabka ay ka xidhatay Markii ay ku fashilantay inay Amnigooda sugto

Maahmahdii ahayd Ayaan soo xasuustay markan arkay dad kiinaya isku qaadaya “Aabow Kan yar iga cali oo Kan Weyn igu soo Daa”

Waar soomaaliyeey Ha loo tudho dalkan iyo dadkan oo jibada iyo qaaqda aan waxba inooga danbayn aan dayno,?

W/Q Cartan Darwiish,

Khaatumo news

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*