26th July 2024  admin  Category :

Farmaajo waa siyaasadeey deeqihii Caalamka , Puntlandna oo uga sii dartay.

Deeqaha ay caalamku Soomaliya ugu deeqaan , horay waa loo musuqmaasaqi jiray ilaa Lixdankii, waxayna ku heshay naanaysta ah Qabrigii macaawinada. Laakiinse waxa ku soo biiray intii ay Madaxweynayaasha Sooomaaliya ka ahaayeen Sheekh Shariif iyo Xasan Culusoow ” SADABURSI DEGAAN’, oo degaanada ay degto beeshooda ayeey sadbursi siyaado ah u siin jireen deeqaha magaca Soomaalida laga helo . Mana dhici jirin in deeqaha uu caalamku bixin jireay ee kala duwanaa sida amniga, caafimaaadka iyo deeqaha Waxbarashada in si caddalad ah Soomaali dhexdeeda loogu qaybin jiray

Taas oo lugooyo iyo niyad jab ku ahayd Soomaali inteeda badan, ayaa dhowr sano ka hor waxa xilka hogaanka Soomaaliya qabtay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, isaguna wuxuu deeqihii Caalamku Soomaali siin jiray ku sii daray, iyada oo weli sadbursigii ay bilaabeen Sheekh Shariif iyo Culusoow Muqdisho ka sii socdo inuu u baxsado deeqihii caalamka Farmaajo Care , oo laga soo qaatay barnaamij uu horay uga hirgeliyey dalka Maraykanka madaxweynihii hore ee Maraykanka Obama oo lagu magcaabo Obama Care. Obama Barnaamijkan wuxuu ku maal gelinayey Cashuurta laga qaado shacabka Maraykanka, ma ahayn deeq banaanka uga imana jirtay sida tan Farmajo Care

Deeqihii caalamku bixin jireen, ayaa sidoo kale lagu xiray shuruud, shuruudas o o ah inaad u sacab tuntid maamulka Villa Wardhiigleey.

Mar haddii Deeqihii Caalamka ay Soomaali siin jiray loo baxsaday Farmaajo Care, oo uu warbaahinta uu ka sheegay wasiirka maaliyadda Bayle, inaanay shuruudihii lagu siin lahaa maamulada goboleedyada qaarkood deeqahan ay buuxin waayeen, ayaa khasab waxay ku noqtay madaxda Puntland inay sheegto deeqaha la siinayo ee Muqdisho soo marinayo meesha ay ka yimaadeen

Ugu danbayntii Dagaalka Deeqaha Caalamka Soomaali dhexdeeda ah waxa bilaabay madaxweyne Farmaajo oo shuruudo kaligii talisnimo ah ku xiray, waxaan uga sii daray madaxda Puntland oo ixtiraami wayey madaxdii dawladd dhexe ee reer Puntland ee maanta soo gaaray Puntland, oo ay ahayd in arinta iyaga iyo Farmaajo u dhaxaysa ay la sugaan inta laga baxayo Gurmadka Qardho.

Allsanaag.com, news@allsanaag

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*