29th March 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta beesha Isaaq ay 30 sano isugu raaceen in Ismaaciil Xaaji Nuur uu u noqdo duqa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Sodonkii sano ee ina soo dhaafay beelaha Isaaq dhexdooda waxa ka dhacay dagaalo sokeeye, beelaha Habar awal, Habar yoonis iyo Habar jeclo ayaa xukunka SNM isu bed bedelay. Laakiinse waxaan marna is bedelin oo ay heshiis ku yihiin beesha Isaaq guud ahaan in duqa Ceerigaabo uu ahaado Ismaaciil Xaaji Nuur. Hadaba waa maxay sababtu?

Ismaaciil Xaaji Nuur, jabahaddii SNM wuxuu ka ahaa taliye iyo dagaal oogihii gobolka Sanaag u qaabilsanaa jabahddii SNM. Duulanaddii jabhadda SNM ku soo qaadi jireen gobolka Sanaag intooda badan wuxuu u ahaa dad iyo dal yaqaan .

Maalintii Dawladdii Soomaaliya ay burburtay, Jabahaddii SNM Ismaaciil Xaaji Nuur waxay u magcaabeen duqa degamada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Cigaal ilaa maantana isaga qura ayaa u ahaa duqa magaalada Ceerigabo. Beesha Isaaqna heshiis ayeey ku yihiin inuu u sii ahaado inta uu nool yahay.

Sababta uu Isaaq heshiiska ugu yahay, oo kuwii shalay ku dagaalamyey Ceel afweyn ay maanta u taageersan yihiin Ismaaciil Xaaji Nuur waa, iyaga oo ogaa waqtii Jabhadda inuu yahay Nin Isaaqnimadu ku weyntahay iyo naxariis la’aantii uu samayn jiray waqtigii uu taliyaha ka ahaa jabhadda SNM.

Markii Dawaladdii Siyaad Bare ay burburtay oo hubkii Soomaaliya gacanta ay ku dhigeen jabahaddii SNM, Ismaaciil wuxuu SNM u balan qaaday inuu Ceerigaabo ka dhigayo magaalo Isaaq. sidoo kalena muran gelin doono degaano badan oo hoos taga degmada Ceerigaabo. Arinta kowaad wuu hirgeliyey oo sodon sano ma haysteen Ceerigaabo haddii ay jiri lahayd cid awoodaa ku haysata ama la degta magaalada. Beelihii la deganaan jiray maanta hal xildhibaan kuma laha golaha degaanka Ceerigaabo ee maamulkaas.

Arinta labaad, halka uu Ismaaciil beesha SNM u sheego inuu Ceerigaabo ka dhigayo magaalo Isaaq, murana gelinayo degaano kale ayuu beesha WARSANGELI ula yimaada weji kale oo uu iyaga ku kal jebinayo. Maalintii uu Jabahdka SNM ahaa isaga iyo Ina Mire, Caruurta Ismaaciil Xaaji Nuur waxay joogeen Badhan, isaguna caruur kale ayuu ku laynayey qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Ugu danbayntii maanta Ismaaciil Xaaji Nuur, Ceerigaabo sodon sano ayuu haystaa, sidii horay u balan qaadayna muran ayuu geliyey Shidan iyo Waqdariya. Soo lama gaarin xilligii ina Xaaji Noor loo aqoon san lahaa inuu yahay Dagaal oogaha gobolka Sanaag, iyo ninka alshabaab ku abuura Buuraha Calmadow , lagana hor istaagi lahaa inuu ugu yimaado Badhan kuwa taageersan . Sidoo kale waa in sida ugu dhakhsaha badan degmada Ceerigaabo loogu magcaabaa duqa magaalada ee beelaha Harti

Allsanaag.com. news@allsanaag.com

8 thoughts on “Dagaal ooge 30 sano magaalo xukumay

  1. Mustafa Mohamed Noor Jarafle

    Sheekadani waxay cadaynaysaa laba qodob
    Kow .inuu ismaaciil qamash ( dad badan ayaan aqoon magacaas ) ka xariifsanyahay Warsangeli oo uu beer laxawsadu waayo reer Faatax ayaa dhalay isaga .
    Qodob labad . Ceergaabo waxa xalaalaystey isaaq waxayna ugu sheekayaan dadka yimaada magaalada sida nin gaal ah oo la yidhaahdo ( gunter inay magaalo habar yoonis ay tahay
    Buugaag badana waa lagu qoray arintaas
    Wuuna ku guulaystay arintaas.
    Hadaba su’aasha meesha taala waa
    Warsangeliyoow maxaad u tashan weydeen
    Muuxse idiin qabtay Maamulka isku sheega Puntland.
    Maaxse idiin diiday inaad Somali weyn
    Wax la qaybsataan khaas ahaan in dhawaan
    Surta la qaban doono ( gooni goosadka isaaq).
    Run ahaantii Dulinimo Weyn iyo aaye xumo ayaa dul fadhida reer Warsangeli..
    Ilaahow kuu naxariiso Suldaan Maxamuud Cali Shire …

    Reply
    1. Cabdallah muxammad

      Walaalkay umad kuwii odayaasha u ahaa maalin walba xarunta iidoor ay u doonanayaan maxaan leqaa oo aysanba dareensanayn in la doonayo in dhulkooda la qaato, waxay ahayd in dadka intiinna wax garadka ahi aad ka wacyi gelisaan inaan dhulku iib gelin, waxyaabahaan la yaabo waxa ka mid ah, waddan qurbaha ka mid ah oo aan joogo waxanu deris nahay iidoor fara badan, ninkasta oo iyaga ka mid ah haddaa tiraahdid qof walbi dhulkii ilaahay ku abuuray buu leeyahay waxay ku leeyihiin dhulkaa annagaa leh, oo idinku inaa ka guurtaan weeye, marabida hargeysa joogta iyo ciyaalka yaryar ee badhan iyo sanaag ka tegey inay faqash iyo kaba qaad lagu sheego ayna saa raalli ku yihiin waxa ka sii daran inay intaa wixii snm dooneysey doonayaan inuu dhaboobo, oo ay Marti u noqdaan kaa neceb

      Reply
  2. Oday

    Ismaaciil X Nuur warsangeli waxay u arkaan wiilkoodii iyo inuu xurmo iyo qaddarin ka midanyahay, laakiin isagu sida reerka uu ka dhashay waxaa ku weyn qadiyadda qabiilkiisa oo xataa diinta islaamka iyo wax isu ahaanshaha wuxuu ka jecelyahay qabyaalada iyo qadiyada gooni goosatada, waana arrin ii door oo dhammi ka siman yahay. Dhaqankaa xun ee reerkaa isaaq leeyahay waxa keena laan gaabnimada iyo cuqdada, dadka gobta ahi aida iidoor u dhaqmo uma dhaqmaan dadkana uma xagtaan

    Reply
  3. Muqtar Ahmed

    Waxan ka yaaba markan arko qof dhulbahante ah ama warsangeli ah oo dhahaya puntland maxey no qabatay,war dad yahow puntland idinka aya leh ee wax qabsada,war madaxweyne ku xigeynka waa dhulbahante ee wax ha qabto wuu qaban karaaye,war gudoomiyaha baarlamanka iyo wasiirada waa warsangeli ee wax qabtean wey qaban karane.war waa xaaraan in aad puntland u aragtan majeerteen ee indhaha fura oo wax qabta oo edoorka meesha ka saara

    Reply
    1. Cabdallah AL cuthmani

      Walaalkay mukhtar Hitler waxa laga hayaa dad dadka ugu xun uguna liita aan la kulmay noloshaydii waa dadkii igu saacidey inaan dhulkooda qabsado, ha la yaabin ninka nijsaasta iyo candhuufada maalin walba lagu tufayo ee hargeysa fadhiya, ee la leeyahay aderkood baan kab la dhacnay ee leh yes sir, ee la leeyahay dhulkayaaga noo keen ee leh yes sir, ee la leeyahay Somali ma nihin ee ku faraxsan oo aan oran Karin waa nahay ee la leeyahay calankaa ma arki karno buluugga ah oo dadkayagii buu qabaa, ee isaga dadkiisii, hadaftimo, YUBBE damalla xagare xingalool jiidali snm ku bannaysteen dhiigooda aan soo qaadi Karin markuu wax ka hadlayona majeerteen oranaya ee aan isaaq oran Karin waayo waa ogyahay inuu qaanuunka iidoor jebiyey kaa hitlar sheegay waa kasii xunyahay

      Reply
  4. Ahmed

    wuxuu yiri “ magacii ba’yoow Majeerteen kii kula dhashiyo adiga sow maaha”
    Waxaan qabaa waa gar in la eedeeyo Puntland waxaana eeda ugu weyn aan dusha
    U saarayaa madaxda Warsangeli ee ka tirsan. Waayo, iyaga ayey tahay inay bulshadooda u adeegaan iyagoo isticmaalaya maamulka ay ka tirsan yihiin.
    Haddii cid maamulka kala mid ahi ka hor istaagto waxa u qabashada dadkood iyaga ayey tahay inay kashifaan kana tashadaan. Dhaliil weyn baa ii muuqata Inta badana ragbag leh. “ Meel waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa”

    Reply
  5. Mohamad

    Waar Daarood fool xumada ay ka geysteen dalkii Somaliyeed,una geysteen umaddii kale ee Soomaaliyeed waa ta keentay dhibka,kala shakiga,kala aamin baxa,kalsooni xumada ka dhex jira umadda Soomaalida ee ilmo yaxaaska meel la fadhiista.

    Yay ahaayeen kuwii gambada,googaradaha u xidhay dabar-goynta ISAAQ?

    “INTA ISAAQ LAGA DHAMAYNAYO GAMBADAASAAN SIDANAYAA”!!!!

    ISAAQ waxba ma yeelin kuwii u haystay in aan qof ka hadhay,Ku xasuuqay shaadh dawladeed,maliishiyo beeleed la hubeeyay oo garab ka helaya kacaankii dalk haystay,ee wuu iska cafiyay,dhul kama qaadin,wax kale ma yeelin,halkii loo mahad celin lahaa bedelkeeda waxa laga dhigay waa na xasuuqay!!!

    Ilaahay ayaa nasrigii siiyay,waxana wax ka qaadi weyday dawlad kamid ahayd kuwa Afrika ugu cududa weyn,aanna waxba u reeban,u isticmaashay dhammaan ciidamadeeda,hub nooc kasta,diyaarado,dabaabado.

    Haddii maanta intaa laydinku dabar jari lahaa cuqdadiinu sidee bay noqon lahayd,waa la arkaa cuqdadaada adoon cidiba wax Ku yeelinee?!!

    Fidmo,durbaan dagaal,tolaayeey ninka shalay Ku khasaaray ee wali aan waxba Ku qaadan,walina tumayaa soo ma waalna?!!

    Waxu ka helo ayuu leeyahay.

    ?????????

    ??????

    Reply

Leave a Reply to Mustafa Mohamed Noor Jarafle Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*