29th March 2024  admin  Category :

Kooxo hubeysan ayaa  Tuulada Canjeel ee ka tirsan degmada Qandala waxay ku dileen Haweeney iyo Ilmo ay dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox hubeysan oo ka tirsan ururka Daacish ay ka danbeeyeen dilka hooyada iyo Ilmaheeda.

Lama oga sababta dhalisay weerarkaas ay dadku ku dhinteen, haseyeeshee sanadihii la soo dhaafay ayaa buuraleyda degmada Qandala waxaa ku dhuumaaleysanayey kooxo ku abtirsaada ururka Daacish.

Kooxdan oo horey u qabsaday magaalada xeebta ku taal ee Qandala, hase yeeshee ciidamada Puntland ayaa dib gacantooda waxay magaaladaasi ugu soo noqotay 7-dii bishii December ee sandkii 2016, iyadoo deegaamo ka tirsan degmada Qandala uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo ururka Daacish.

Ma aha markii ugu horeysay ee fal caynkan oo kale ah ay ururka Daacish ka fuliyaan dhulka buuraleyda ah ee ku teedsan degmada Qandala, waxaana tirade dadka ay dileen noqonaysaa 7 qof oo isugu jira Askar iyo Shacab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*