23rd October 2024  admin  Category :

Sidiii ay doorashada Beelaha Isaaq u bilaabantay, degaanada Maakhir waxa ku soo badanaya buun buuninta ururka Dadqalatooyinka  argagixisda ee  alshabaab oo ay wadaan rag iyo Dumar lacag lagu soo  siiyey dacaayadahan  si ay degaanka fawdo iyo amni daro uga abuuraan  .

” Nimankii afka duubnaa laasqoray ayeey qabsadeen. Nimankii dadka dili jiray oo dhowr qof ah ayaa iyaga oo Hadaaftimo dul maraya  la arkay. Nimnakii Buurta ku jiray Buraan  Dusheeda ayaa lagu sheegay , Hadaladan oo dhami  waa kuwa maalmahan laysla dhex marayey degaanada Maakhir oo been abuur ah, hase ahaatee la doonayo in bulshada reer Maakhir  lagu  baqdin geliyo si ayna uga hadlin,  ula dagaalamin, lakala aamin baxo iyo in  aan   laga  soo waramin halka ay ku sugan yihiin argagixisada Dadqalatooyinka ah ee aaminsan inay xoog ku joogaan Buuraha Calmadow, iyaga oo ka yimid Baydhabo iyo Burco.

Dadka ugu badan oo dacaayadan alshbaab ayaa meel walba maraya fidinayaa   oo sida dadban ula shaqaynaya Alshabaab waa nimanka u shaqeeya maamulka SNM, ee ka soo jeeda beesha Warsangeli  oo doonaya marka ay dadka baqdin geliyaan oo lays aamini waayo inay yiraahdaan Ciidamada Somaliland ayaa idin ka difaacaya alshabaab ee u ogolaada inay yimaadaan

Kooxda labaad, waa kooxda degaanka ka soo jeeda ee ku haya Dadqalatooyinka Buurha Calmadow, waa kuwo loo arko inay ganacsatadii degaanka   yihiin, waa kuwo loo arko inay Culimadii degaanka  yihiin. waa kuwa loo arko inay Odayaddi degaanka yihiin .Waa kuwa gawaaridooda la isticmaalaYO , waana  kuwa u dal yaqaanka ah argagixisada.

Ugu danbayntii Waxgaradka degaanka iyo Ururka qurba joogta reer Maakhir  ku midaysan tahay ee Sanaag, Sool iyo Bari SSB  waa inay bilaaban wacyi gelinta  iyo kaklsooni buuxda oo la siinayo  bulshada. Waa in bulshada  loo sheegaa in  nin DADQAL AH OO  Burco iyo Baydhabo   ka yimid uuna Buraan iyo Badhan xoriyad ku mari karin. Guud ahaan Bulshada inteeda kale waa inay la shaqeeyaan ururkan balan qaaday Xoraynta oo ah in argagixisada Maakhir ku sugan xoog   looga saarayo degaanka iyo balan qaadka kale oo ah   Difaac oo ah in doorashada SNM ayna  ka dhici doonin  Maakir

ALLSANAAG.COM

Image result for FAKE NEWS GIF

 

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*