8th September 2024  admin  Category :

Maamulka Puntland ayaa ka mid ah maamulladii ugu horeeyey ee laga dhiso dalka Soomaaliya; hase ahaatee maamulkan ayaa noqday mid aan isbeddel weeyn ka sameeyn dhinaca mustaqbalka dadka Puntland ay u baahan yihiin. Maamulka Puntland waxaa lagaga soo gudbey xilliyo badan oo aad u adag, laakiin su’aasha meesha taal waxeey tahay, dadka Puntland miyeeysan u baahneen mustaqbal ka duggan midka haddeer ay ku jiraan?

Siyaasadda Puntland waxeey ku soo ururtay in Muqdisho oo aan isbeddel laga rabbin ay waqtiga ku lummiso iyo doonitaanka Soomaalinimo taas oo ah mid aan lala fahansaneen. Horey ayaa loo yiri, “Jaceeyl aan laguula waddin, waqtigaaga yuusan lummin” oo micnaheedu yahay haddii nabadii iyo wannaagii aan Puntland lala wadin ama lala fahansaneen ay habboon tahay in  la kalla daneeysto.

Heerka maanta ay xaaladu mareeyso ayaa ah in dagaalka meesha laga soo abaabullo ay noqotay magaalada Muqdisho, iyadoo la adeegsanayo ciidankii dawladda iyo hubkii si  looga dhiggo Puntland meel burbursan oo la mid ah Koonfurta kalle ee Soomaaliya oo noqotay meel bahallo iyo ballaayo galleen ah.

Waxaase dadka Puntland ay soo fahmayaan in masiirka dadka Puntland iyo mustaqbalkoodu ay haboon tahay inaan  mar danbe loo afduubin dadka iyagu dhiigoodu uu la shaqeeyo dabeecadaha burburka iyo kalla danbeen la’aanta. Maanta waxaad arkeeysaa in dadkii caqliga u ahaa USCda oo uu ugu horeeyo madaxweeynihii waqtigiisa dhamaaday ee Hassan Shiikh sida uu wax u qarbudayo, u burburinayo, u dhacayo, taas oo ah mid tusaale noogu fillan in meeshaas ay tahay meel aan waxba ka soo socon.

Miyaan la joogin waqtigii Puntland ay goosasho ka fakiri laheed?

Dadka Puntland maanta waxaa la gudboon in ay iska daayaan raadinta dal Soomaaliya la yiraahdo oo aan la filleen inuu soo noqonayo duruufaha ku xeeran darteed. Hase ahaatee, waxaa odayaasha iyo siyaasiyiintaba ay tahay ineey gar waaqsadaan in  Muqdisho aan dawlad laga rabin, sidaa darteedna ay tahay dariiqa kalliya ee u furan in ay noqoto Puntland dal ka madax banaan dadka Koonfurta Soomaaliya deggan oo iyagu noqday kuwo aan dawladnimo rabbin.

Miyaan loo noolaan karin sida dadka Burunaay ay u nool yihiin; dadka dalkaasi ku nool tiradooda waa shan boqol oo kun oo qof 500,000, waxaana ka dad badan dadka dalkaas ku nool dadka deggan magaalada Boosaaso.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*