29th March 2024  admin  Category :

Muqdisho mar waxeey aheed magaalo ay mooryaanta iyo dagaal ooggayaasha ay ku shaqeeystaan, maantana waa magaalo ay qurunsadeen argaggixisada.

Argaggixisada waa kuwo ku jira meel kasta oo ku mid ah magaalada Muqdisho  haddii ay noqon laheed cisbitaalada, fannnaaniinta heesa, macalimiinta, hoteelada magaalada, ciidamada, baarlamaanka, ganacasatada iyo xarumaha kalle ee dawladda.

Ku dhex jirida argaggixisada meel kasta, waa midda u sahashay in cid kasta oo loo baahdo si fudud loo dillo. Hadaba, maxaa la gudboon dadka aan USCda aheen ee caasimadda welli ay u tahay magaalada Muqdisho?

Intii ay dawladda ay buruburtay waxaa laga joogaa 29 sanno, sagaal iyo labaatankaas sanno Muqdisho waxaa ku daadanayey dhiiga, waxaana ugu wacan ineey sidaa ahaato beesha Hawiye oo iyagu ah kuwa gacanta ku haya caasimada raalina uga noqday in marna mooryaan ku shaqeeysato, marna argaggixiso.

Mar haddii caasimadii aysan waxba iska soo baddaleen, waxaa laga ma maarmaan ah in caasimada la geeyo meel dadkeeda aan gacan siinin mooryaanta iyo argaggixisada, dawladnimada ay ku weeyntahay, taasina waa midda kalliya oo ay dawladnimada Soomaaliya ku soo noqon karto.

Balse, haddii magaalada Muqdisho sidaa loo dul joogo oo ah meel aan waxba ka soo haggaageen, dadka kallena waxeey la mid noqon doonaan aakhirka sida Muqdisho. Horey ayaa Soomaalidu waxeey u tiri, “Waxaan caafimaad aheen waa la kalla qaadaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*