27th July 2024  admin  Category :

Abaarta ka jirta gobolka Sanaag ayaa mareeysa heerkii ugu xummeed, waxaase ayaan darro ah in dad u baahan biyo iyo raashin ay dad sheeganaya ineey ka socdaan maamulka Hargeeysa iyo Puntland ay dadkii ulla yimaadeen wax ay ugu yeereen u kuur gal ku aadan xaalada abaarta. Soomaalidu waxeey tiraahdaa, ‘meel hoo u baahan, hadal waxba kama taro’ dadku waxeey u baahan yihiin raashin iyo biyo, laakiin umma baahna u kuurgal.

Arrimahan dhacaya ee ku dhacaya dadkaa masaakiinta ah waa mid ay sababteeda leeyihiin dadka deegaanadaa iska lahaa oo garan waayey waxa ay iyagu yihiin, taladoodii iyo aayahoodiina u daba fariistay dad kalle. Qofkana marka uu isagu is dulleeyo waxaa dhab ah in dullinimadaa uu doortay uu ahaanayo welligiis, qoomkastana sida uu doorto ayeey hellayaan. Maxaa dhulkan ka dhigay dhul lagu muransanyahay? Soomaaliyada kallese miyeey ka jirtaa dhul lagu muransanyahay?

https://youtu.be/BSRKnG9T014

Maadaama laga dhigay Gobolka Sanaag dhul lagu muransanyahay ayaan ka jirin dhulkaas hal hay’ad oo ka hawl gasha, hay’adihiina waxaa loo sheegay ineey ka fogaadaan dhulkaas lagu muransanyahay. Wixii magacooda lagu soo qaatay gobolada Sool iyo Sanaagna waa mid ay jeebkoodii gashay dad gaar. Muuqaalkan hoose waa hay’ad ka mid ah hay’adaha caalamiga ah oo biyo dhaamin ka wada dhulka ay degaan beesha Isaaq. Beesha Isaaq waxeey garteen ineey dadkooda u adeegaan, siiyaana wixii magaca Sool iyo Sanaag lagu soo qaaday iyo waxoodiiba, meesha kuwii duliga ahaa ee dhulkoodii ka dhigay dhul lagu muransanyahayna ay yihiin kuwo dulligii ay qaateen dartiis maanta dadkooda ka dhigay kuwo aan cidi u maqneen.

 

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*