26th April 2024  admin  Category :

Ciidamada Jubbaland iyo Dadqalatooyinka oo ku dagaalmay degaano ka tirsan Jubbada hoose

Ciidamada qalabka Sida ee Jubbaland oo kaashanaya dadka deeganka ayaa Hawlgalo la qorsheeyay shalay ka fuliyay deeganada Xeer-Xaani Kaamjaroon Golashimbi iyo Kaamjaroon hawlgaladaas oo looga gol lahaa sidii looso furan lahaa Xoolo ay Dadqalatooyinku  ka dheceen dadka deeganka.

Dagaal adag ayaa shalay ka dhacay dhamaan deeganadan iyadoo khasaare lixaad leh uu ka dhashay sida ay xaqiijiyeen sarakiisha Ciidamada Hogaaminaysay waxaana Dadqalatooyinka dagaalkaas lagaga dilay 15 Maleeshiyad ah iyo Dadqallkii  dagaalka Hogaaminayay oo isagoo dhaawac ah ay Ciidamadu gacanta ku dhigeen kadibna dhaawacii soo gaaray u geeriyooday.

Ciidamada Jubbaland Hawlgalkaas waxaa kaga dhintay 1 askari labo kalana way kaga dhaawacmeen.

Ciidamadu hawlgalkaas waxay kusoo furteen qaar badan oo kamid ah geel ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah iyadoo wali hawlgalku uu socdo oo lagu daba jiro qaarka kale sida uu saaka ka sheegay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.s09a7957 s09a7959 s09a7962 s09a7963 s09a7976 s09a8011 s09a8015 s09a8020 s09a8023 s09a8025 s09a8026 s09a8027 s09a8028 s09a8030 s09a8031 s09a8113

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*