22nd December 2024 admin Category :
Nimankii iyo Dumarkii ka soo jeeday Maakhir, oo markii Ciro Maraykanka yimid Huteelada qaaliga ah iyo gawaarida martida ee loo yaqaan Limousinka ugu kiraynayey lacagta badan, iyaga oo ku doodayey in Habar yoonis ay abtiyo u yihiin iyo Xidid baanu la nahay reerka Habar yoonis , oo soo camiray xafladihii beesha Habar yoonis u samaynayeen gudoomiyahooda iyaga oo ku labisan calanka SNM iyo sawirka Ciro , ayaa maanta iyaga oo Ciro u adeegaya waxay qolol ka furteen Baraha Internetka ee Bulshadu ku sheekaystaan, iyaga oo qolkooda u baxsaday magac qurxoon oo Bulshada Reer Maakhir soo jiidanaya.
Kooxdan reer Maakhir ee magaca qurxoon ee marin habaabinta ah wata, ayaa bilaabay inay Bulshada reer Maakhir kala qaybiyaan, In beesha Majeerteen bulshada uga dhigaan inay cadow u tahay . halka Beesha Isaaq ay leeyihiin waa is dhalnay oo ma kala maarmi karno .
Kooxdan Dabadhilifyada ah oo aan damiirka lahayn, ayaa waxay aaminsan yihiin in buuraha Calmadow aan dagaal reer Maakhir abaabuleen aan laga ridin. Sababna waxay uga dhigaan Somaliland oo qura ayaa Alshabaab ka saari karta buuraha Calmadow.
Ugu danbayntii kooxdan aad hoos ka daawan doontaan oo dabadhilifyada ah oo aan damiirka lahayn oo la midka ah Isaaq Muqdisho u shaqo tegay oo aan cidna metelin waxa maal geliya kooxda la baxday magaca qurxoon ee Midnimo Maakhir oo jooga Khaliijka, Yurub iyo waqooyiga America oo aan la gaban in xafladaha beesha Habaryoonis qabsanayaan inay ku soo labistaan calanka SNM
https://youtu.be/VnKYWHSBWaU
https://youtu.be/OIIAqbypCTM