26th July 2024  admin  Category :

Kamaradda ayaa qabatay waqtigii Cunugan suunka laga furayey

Ciidamada Amaanka  magaalada Kirkuk ee dalka Ciraaq ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan Wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 12-sano jir ilaa 13-sano jir, kaa oo xirnaa suun lagu soo xiray Walxaha Qarxa.

Wiilkan yar ay qabteen ciidamada booliiska Ciraaq ayaa xirnaa funaanada ay ku ciyaarto kooxda Barcelana gaar ahaan numberka Ciyaaryahanka Messi, waxaana wiilkan gacanta ku dhigay ciidamada booliiska oo ka shakiyay.

Kaamirad qarsoon  ayaa qabatay Ciidamada Amaanka  oo wiilkan yar ee 12 jir ah si qasab ah uga furaya suunka qarxyada ku xirnaayeen, wiilkan ayaana u muuqday mid aan ku faraxsaneyn fashilka ku yimid qorshihiisa uu ku doonayay in uu isku qarxiyo.

nali_5

nali_2

nali_4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*