26th July 2024  admin  Category :

Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus Ciidan uga qeyb-galaya Dalka dibadiisa ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan oo dowladda Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaana Xoogga Dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab XDS.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee garoonka ka sa gootiyay Ciidankan ayaa kula dardaarmay inay door wanaagsan soo qaataan, ayna sameeyaan bandhig ku qotoma tababarka iyo tayada wanaagsan ee Xoogga dalka oo bilaabay la wareegidda amniga guud ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*