27th July 2024  admin  Category :

Cumar Cabdirashiid oo sheegay inuu Farmaajo ka waddanisan yahay. Anigu waxaan saxiixay oo dhiibay waxaan noolayn , Isagu ” Farmaajo”  dad nool ayuu dhiibay

Raisulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka SoomaaliyaCabdirashiid oo sheegay  inuu ka wadanisan yahay Madaxweyne Farmaajo

Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya,  oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Cumar C/rashiid oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in heshiiska ay Golaha Wasiirada Xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax uu ahaa heshiis dhex maray dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Maamulka Galmudug oo xuduuda labada dal colaad ku dhex martay.

“Haddii labo dal heshiis galayaan waxaa galaya Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, wax aan Gole Wasiiro looga doodin, Madaxweynaha saxiixin iyo Baarlamaanka la horkeenin wax sharciyad uu ka fadhiyo lama arko”ayuu yiri Cumar C/rashiid oo intaa ku daray in aanay jirin cid uu u igmaday.

“Khalad weyn ayay aheyd dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax oo ah muwaadin Soomaali ah in loo gacan geliyo Itoobiya, ONLF meel kale adduunka ay Argagixiso ka yihiin ma jirto, Mareykanka ayay joogaan iyo meelo kale”ayuu yiri Cumar C/rashiid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*