1st May 2024  admin  Category :

Ergaygii gaarka ahaa ee dawladda Federaalka oo kulansiiyey Isimada Majeerteen iyo Madaxweynaha Federaalka.

Ergayga gaarka ah ee dawladda Federaalka ee maamulka Puntland, oo ah Wasiirka wasaarada arrimaha dibada dowlada federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse, oo maanta si gaar ah ula kulmay Isimada Beeshiisa Ciise Maxamuud ee Majeerteen, ayaa caawa kulansiiyey inta badan Isimada beesha Majeerteen iyo madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in kulankaas uu ka dhacay Madaxtooyada dowlad-goboleedka Puntland, isla markaana uu ahaa kulan la-tashi ah.

“Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

lama oogaan karo in madaxweyne Xasan Sheekh ogyahay in Isimada uu la kulmay ay ka soo wada jeedaan hal beel oo qura, hase ahaatee waxa cad in ninka ku magcaaban Wasaaradda arimaha dibadda uu soo soocday Isimada la kulmaya madaxweynaha Soomaaliya . Taasina waxay gef iyo deb daro loo gaystay ku tahay shacab weynaha Puntland.

Ugu danbayntii Abshir Cumar Huruuse, waa wasiir ku shaqo leh arimaha dibadda oo ay hoos timaado arinta maamulka Somaliland ee doonaya inay dalka intiisa kal ka gostaan, isaga oo Somaliweyn ka wakiil ahna la doonayey inuu caalamka intiisa kale kala hadlo in Somaaliya mid tahay . Ma aha sida muuqata nin aaminsan in Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin Puntland, sidaas awgeed waa in indho gaar ah lagu hayaa oo lala socdaa dhaqdhaqaaqiisa qabyaaladaysan.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*