26th July 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha Hawiye Action Group oo hoygiisii dib ugu soo laabtay

Waxaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho madaxweynihii Soomaaliya Xasan Culusoow , oo muddo sanad ka badan ka maqnaa dalka Soomaaliya.

Safarka Xasan Culusoow , wuxuu yimid saacado kadib markii madaxweynaha ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu safar dheer dalka kaga ambabaxay maalintii shalay.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa sida wararka aan ku heleyno xubno wasiiro ah u xil saartay soo dhaweynta madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha, ayaa waxaa wararka waxay sheegayaan inay la xiriirto ka shaqeynta xisbi uu hogaamin doono, kaasi oo ka qeyb galaya doorashada soo socota ee ka dhacayso dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in inta badan xubnaha mucaaradka ay kamid noqon doonaan xisbiga cusub ee uu abaabulkiisa wado.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo aqalka sare ayaa madaxweynaha kaga hor tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud, waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ah xildhibaan Sharafeed.

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*