
17th November 2025 admin Category :
Balad Xaawo, oo ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, ayaa mar kale gashay mugdi amni iyo qalqal siyaasadeed, kaddib markii uu magaalada si lama filaan ah ugu soo laabtay Cabdirashiid Janan sarkaal ciidan oo si weyn uga dhex muuqday khilaafaadka Jubbaland iyo dowladda Federaalka sanadihii lasoo dhaafay.

Soo laabashada Janan, oo diyaarad gaar ah kusoo degay Balad Xaawo, waxay ahayd mid ay la fajaceen dad badan, maadaama aysan jirin wax war ah oo horay uga soo baxay Jubbaland ama hay’adaha amniga. Waxaase durba la dareemay is abaabul ciidan oo degdeg ah, taasoo dhalisay iska hor imaad dhiig ku daatay.
Ilaa iyo hadda majirto war sax ah oo laga helayo inta uu le’egyahay qasaaraha Degmada soo gaaray, dhaawacyada, dhimashada iyo tirada rasmiga ah ee maxaabiista laga qabtay Cabdirashiid Janan.







