26th July 2024  admin  Category :

Coll.Xirsi Gaataa oo Duqa Degmada Waaciye Loo Doortay

Waxa Goordhowayd Hoolka Shirarka ee Degmada Waaciye kusoo dhamaatay Doorashadii duqa Degmada Waaciye.

Doorasho adag oo Saaka Degmada Waaciye ka dhacday ayaa waxa Guushu ku raacday Coll.Xirsi Siciid Faarax(Xirsi Gaataa) oo horey Xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladii Kacaanka ee Soomaaliya  iyo Weliba Maamulka Puntland.

Madasha Doorashada ayaa Waxa ku sugnaa 16-Xildhibaan oo ka mid ah 21-xildhibaan ee Degmada Waaciye ay Leedahay.

Doorashada oo ku bilaamatay hab gacan taag ah ayaa Labada Musharax Wareegii Kowaad iyo Kii Labaadba Waxay kala heleen Midkiiba Sideed Cod(8Xubnood),iyadoona Wareegii Sadexaad Doorashada laga dhigay hab Qarsoodi Ah,taas oo ay Guushu ku raacday Coll.Xirsi Gaataa.

Labada Musharax ayaa Wareegii Sadexaad kala Helay Sidan Hoos ku Qoran:-

1-Xirsi Siciid Faarax-9Cod.

2-C/raxmaan Yaasiin Siciid 7-Cod.

Waxa Xusid Mudan in Madasha Doorashada ay ka maqnaayeen 5-Xubnood oo kasoo kala jeeday Tuulooyinka Sheerbi iyo Alxamdullilah.

Madasha Doorashadu ka dhacday ayaa Waxa Goobjoog ka ahaa Xildhibaan Proff.C/risaaq Jurille,Xildhibaan C/laahi Bille Nuur,Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane.Axmed Karaash,Wasiirka Dekedaha Puntland Mudane.C/laahi Jaamac Saalax,Wasiir ku xigeenka Maaliyada Mudane.Axmed Yaasiin Saalax,Duqa Degmada Bosaaso Eng.Yaasiin Mirre Maxamuud,Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Mudane.Dhaqaaje,Gen.Cismaan Fatiig,Coll.Maxamed Cismaan Manjiino  iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan,kuwaas oo si isku mid ah ugu Hambalyeeyey Duqa Cusub ee Degmada Waaciye,isla markaasina Guul iyo Horumar u rajeeyey.

Waa Markii Kowaad ee Degmada Waaciye ay Yeelato Gudoomiye degmo oo Doorasho rasmi ah ku yimaado,iyadoona xiliyadii hore Wareegto Madaxweyne lagu Magacaabi jirey sababa jiray awgood.

Raadreeb.com-Waaciye.

14492491_1128228480558922_6296093549119904933_n14519817_1128229083892195_5693455611919601636_n14606466_1128228393892264_746560030441480751_n14642103_1128229190558851_1136552350422216749_n14642340_1128228643892239_5051117970548953585_n

14484943_1411614838866515_4552780591585239164_n14492441_1411614715533194_7294626237583981701_n14492583_1411614778866521_1486768802407946576_n14502734_1411614698866529_7453813925716069420_n14516579_1411614805533185_8829113131969485739_n14520484_1411614902199842_1716278534057629234_n14523156_1411614968866502_8759011244439616829_n14570278_1411614678866531_2560194308151648530_n-114572790_1411614818866517_2644603606251376580_n14581443_1411614732199859_1366216659155492776_n14591802_1411614928866506_4110714581595384517_n14595582_1411615012199831_5983688607790867526_n14606552_1411614665533199_228449952812053813_n-114606552_1411614665533199_228449952812053813_n14610986_1411614758866523_2023725423254411054_n14633083_1411614868866512_6922253091625435333_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*