19th May 2024  admin  Category :

Ciyaaryahan Atsu ee reer Ghana oo ku dhintay dhulgariirkii Turkiga

Ciyaaryahankii kubadda cagta, reer Ghana, Christian Atsu ayaa meydkiisa laga helay burburka dhismayaasha, ka dib dhulgariirkii ka dhacay koonfurta Turkiga toddobaadkii hore. Wakiilka ciyaaryahan Atsu ayaa sidaas Sabtidii sheegay.

Atsu ayaa la la’aa ilaa 6dii February, ka dib burbur ku yimid dhismihii uu deganaa oo ku yaallay deegaaka Hatay. Ciyaaryahanka ayaa da’diisu ahayd 31 sano.

Murat Uzunmehmet oo ah wakiilkii ciyaaryahanka ayaa warfidiyeenka u sheegay in meydka ciyaaryahanka, alaabo kale iyo telefoonkiisii gacantaba la helay.

Atsu ayaa qorshuhu ahaa inuu ka duulo koonfurta Turkiga saacado ka hor dhulgariirka, hase yeeshee, sida tababaraha kooxda Hatayspor uu sheegay, uu ciyaaryahanku doortay inuu kooxda la joogo, ka dib markii uu dhaliyey goolkii guusha 5tii February, xiligii la ciyaariyey ciyaartii Super Lig.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ghana ayaa sheegtay in walaalka ka weyn iyo gabar ay mataano ahaayeen Atsu ay goobta joogeen markii la soo saarayey. Safaaradda Ghana ayaa ka shaqeynaysa sidii meydkiisa loogu celin lahaa dalkiisa si halkaas loogu aaso.

Hadal wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in “dawladdu ay tacsi tiiraanyo leh u dirayso xaaskii uu ka dhintay iyo qoysta Atsu.”

Atsu ayaa ku biiray kooxda Hatayspor bishii September ee sanadkii hore, ka dib sanado uu u soo ciyaaray kooxaha Everton, Chelsea, iyo Newcastle United ee dalka UK.

Kooxda Hatayspor ayaa barteeda twitterka ku qortay “Kuma illoobayno, Atsu. Nabadi korkaaga ha ahaato, qof qurux badan baad ahayd. Ma jiraan kelmado aan ku sifeyn karno murugadeenna.”

Kooxda Newcastle ayaa sidoo kale u tacsiyeysay oo tiri: “Ciyaaryahan xirfad leh iyo qof khaas ah, waxaa mar walba si wanaagsan u xasuusan doona ciyaaryahanadeenna, shaqaaleheenna iyo taageerayaasheenna.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*