18th April 2024  admin  Category :

Cisbitaalkii Digfeer oo loo xiray cabsida Xanuunka Corona Virus

Waxaa maanta albaabada la’isugu dhuftay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka faafa ee Corona, sida ay u xaqiijiyeen saraakiil dhanka caafimaadka ah oo lagu kalsoon yahay.

.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay isbitaalka, islamarkaana la karantiilay dhaqaatiir, shaqaale iyo howlwadeeno ka tirsan isbitaalka Digfeer, kuwaas oo la sheegay in looga shakiyey cudurka halista badan ee Coronavirus.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ay shaacisay illaa 9 xaaladood oo Fayruska Corona ah oo saddex ka mid ah dadka laga helay ay ka howlgalayeen isbitaalka la xiray ee Digfeer.

Cabsida laga qabo faafida COVID-19 ee Soomaaliya ayaa sii kordheysa marba marka ka dambeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*