8th May 2024  admin  Category :

Deni oo tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu xaalad caafimaad ujoogey…

Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo masuuliyado badan kasoo qabtay dalka. Soomaaliya waxa uu kasoo noqday Guddoomiye gobol iyo mid Degmo, Puntland waxa uu kasoo qabtay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dowle Madaxtooyo iyo La-taliye Madaxweyne ee arrimaha Amniga ah. Sidoo kale waxa uu ku suntanaa ka shaqaynta xasiloonida, Amniga iyo horumarka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, s u’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

One thought on “إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*