27th July 2024  admin  Category :

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Askartii ku soo dhaawacantay Afurur , ee jiiftay  Cisbitaalka gaarka  loo leeyahay ee magaalada Carmo, galabta lagu wargeliyey inay ka baxaan cisbitaalka, ka dib markii uu  kharashkii lagu daweenayey uu ka dhamaaday.

Cisbitaal gaar loo leeyahay ee ku yaal magaalada Carmo ee gobolka Bari, ayaa hadda  waxa jiifa  36 Askari oo ku soo dhaawacmay duulaankii Argagixisadu ku soo qaadeen buuraha Calmadow

36 askari, 25 ka mid ah ayaa ka soo jeeda beesha Warsangeli, Waxaana galabta lagu wargeliyey inay Cisbitaalka isaga baxaan ka dib markii iyaga iyo Qoysaskoodu kharashkii ay haysteen ka dhamaadeem .

Galabta waxa soo gaaray CIsbitaalka madax ka socotay dawladda Puntland. iyagaana joojiyey IN caawa Askartan hoy la’aan  la dhigo.  Maamulka Puntland iyo Cisbitaalka ayaa  beri subax is arki doona.

ALLSANAAG.COM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*