28th March 2024  admin  Category :

Ciidul Adxaa iibka Xoolaha iyo D/Buraan Ee Gobolka Haylnd(Warbixin)

Iyadoo Maalinta berita ah ay ku beegantahay Ciidul-Adxaa ayaa siweyn loo dareemayaa Iibka Suuqyada Xoolaha Ee Degmada Buraan Iyo Darka Ceelka kuwaas oo ay dadweynaha Degmada iyo Meelo ku dhow dhow ay uga soo iibgeysanayeen Adhiga iyo Geela.

Xoolaha Nool Ee u badan Adhiga ayaa lugu kala iibsanayaa Maanta Ceelka iyo Saylada Adhiga Qiimaha ugu sareeya Neefka Adhiya $80 Doller oo u dhiganta laba malyan iyo Afar boqol oo sh.sh ah’ Waxaana Qiimaha ugu hooseya uu ahaa $65 oo u dhiganta Sh.so 950 Sagaal boqol iyo koton-kun oo shilinka Somaliga ah.

Neefka Geela ah ayaa Qiimihiisu ka joogey Suuqa Buraan Maanta $900 Dlr oo u dhiganta 29 Milyan oo Shilin Somali ah’Inkastoo ay dadka Reer Guraaga ah Ee Ciidul-Adxaa libaanayaa Geela ay tahay mid Naadira oo Aad u had Madaama ay yaryihiin Xoolaha dalkeenu Welina ay jirto ka soo kabasho iyo Xanaano ku Aadan Abaartii dhowaan Geyiga Somalida Saaqday Ee Daba-dheer. Diiriye Jaamac Aadan oo Warbaahinta Sanaag Online wax ka weydiisey Xaalada Miyiga iyo Nolosha Xoolaha iyo dadka reer guuraga Gobolada Sanaag iyo Haylnd Ee Xiligan ayaa yidhi”Aad iyo Aad Baan Idiin Salamayaa Ciidal Caafiya dhamaan bulshada Somaliyeed Miyi iyo Magaaloba’Runtii Dalku Waa Barwaaqo Inkastoo ay soo yaraaneyso Nabaadkii iyo Xayndaamyadii Xooluhu wax ka raacayeen baadkii Gu’gga Waxaa bilowday biyo dhaan ‘balse Nafsada Xooluhu Waadigaa Arkayoo Aad bay u fiicantahay oo wey buurbuuranyihiin’Lakiin Waxaa nagu yar lacagta Reer Magaaluhu wax nagagga libaanayaa oo aan si buuxda u daboolikarin Quutal daruuriga iyo Raashinka Jicsinka ah Ee Qoysaska miyiga”

Maxamed Axmed Ciise Allsanaag /Buraan

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*