Ciidamada booliska ee dalka Faransiiska ayaa si khasab ah dharka ugaga siibay xeebaha dalkooda gabar xirneyd dhar asturan oo loo yaqaan qamaarka
Sawiro ayaa la soo dhigay baraha bulshada, iyadoo sidoo kale wargeysyada caalamka ay wax ka qoreen booliska Faransiiska ah ee hubeysnaa kuwaasoo ku amray gabadhan in ay iska bixiso dharkii ay xirneyd. Waa la ganaaxay markii la qaawiyey, Waxaana lagu ganaaxay inay u timid dad qaawan iyada oo asturan. Taasina ay ka hor imanayso sharciga dalka Faransiiska
Gabadhan Muslimada ah ee dharka laga dhigay ayaa lagu magaabaa Siam, waxayna ay sheegtay waraysi ay bixisay, ujeedadada qura ee askarta cunsuriyiintu lahaayen inay ahayd bahdilaad oo ay ku hor bahdilaan caruurayda