28th March 2024  admin  Category :

Ciidamo Boolis Ah Oo Xoog Kula Wareegay Xarunta Ay Ku Shaqeynayeen Guddiga Doorashada Golaha Shacabka.

Gdoomiye C/risaaq oo qoraal ku qornaa luuqada Ingiriiska goordhow ku baahiyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in gudoonka doorashada golaha shacabka iyo shaqaalaha kale ee Baarlamaanka xoog looga saaray xarunta, iyagoo haatan dibad joog ka ah goobta ay ku shaqeynayeen.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in xiliga ciidamada booliska ay gudaha ugu galayeen xarunta Villa Harges ay ka socotay ID-Card u sameynta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaa ee shalay lagu dhaariyay hoteel gaar loo leeyahah oo ku yaala eela boorka Muqdisho.

C/risaaq Cumar Maxamed ahaa arrimahan oo idil ku sifeeyay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada gudoonka golaha shacabka ee maalinimada beri ka dhaceyso teendhada Afisyooni ee ku taala xerada Xalane, isagoo sheegay in cabsi galintan lagu hayo aysan ka baajin doonin doorashada Arbacada beri dhaceyso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*