18th April 2024  admin  Category :

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay hub keyd u ahaa argagixisada Al-Shabaab 

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen duleedka magaalada Boosaaso, waxa ay ku soo qabteen keedkii maleeshiyada Al-Shabaab ay ka sameysan jireen walxaha laga sameeyo Qaraxyada, kaas oo ay ku keedsanaa Godad ay ka qoteen buuralayda Galgala.

Ciidamada ayaa sheegay in xogtan ay u soo gudbiyeen shacabka, taas oo suurtagalisay in ay ciidamada howlgalkan ku guulaystaan kana hortagaan qaraxyadaasi.

Ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan, waxaana joogto laga dhigay howlgallada ciidamada Amniga ay ka sameeynayaan gudaha iyo duleedka magaalada Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*