17th November 2025  admin  Category :

Ciidamada Booliska Dowladda Jubbaland, gaar ahaan qeybta ilaalinta xeebaha, ayaa maanta howlgal ballaaran ka fuliyay xeebaha Badweynta Hindiya.

Howlgalka oo ay ciidamada adeegsanayeen gaadiidka badda ayaa ujeeddadiisu ahayd ka hortagga falalka amni-darrada iyo la dagaalanka maandooriyaha sida dhuumaalaysiga ah looga soo geliyo xeebaha.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa baaritaan iyo hubin ku sameeyay doomaha isaga kala goosha xeebaha Jubbaland.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada booliska ee ilaalinta xeebaha ay hadda u diyaar garoobeen ka jawaab8da xaaladaha degdegga ah, iyo sidoo kale la dagaallanka kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira biyaha Dawladda Jubaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*