17th November 2025  admin  Category :

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo qaba Tababaro gaar ah ayaa howlgalo lagu soo afjaraayo Firxad iyo talisyada argagixisada Daac1sh ay ku leeyihiin Toga Baalade ee dhanka Xabley ka wada Deegaanadaasi.

Ciidanka ayaana howgalo balaaran ka sameeyay inta uu socday Howgalka Hilaac Buuraha Calmiskaat iyagoona burburiyay Talisyadii ay argagixisadu ku lahayd buuraha Cascas Dhaban-qooxle Xabley ilaa aaga Shakaala iyagoona ku howlan soo afjarid firxadka ku jira Toga baalade.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland iyo Wasiirka Ganacsiga Dowladda Puntland Axmed Shire Siciid oo marwalba garab taagnaa ciidanka sii loosoo afjaro argagixisada iyo saraakiil kale ayaa ciidanka Hogaaminayaa iyadoona ay barbar socdaan Shacabka oo garab taagan ciidankooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*