8th May 2024  admin  Category :

Ciidamada amniga ee Puntland oo fashiliyay qaraxyo ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab

Ciidamada amniga dowladd goboleedka Puntland ayaa maanta fashilay qaraxyo ay maleeshiyada Al-shabaab damacsanaayeen in ay ka fuliyaan gudaha magaalada Boosaaso.

Howlgal ay ciidamada ammaanka sameeyeen ayaa waxaa lagu soo qabtay walxaha laga sameeyo qaraxyada, kuwaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow, si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland ee halkaasi howlgallada Argagixisada lagula dagaalamo ka fuliya.

Saraakiisha ciimada amniga ayaa sheegay iney heleen warbixino ku aadan falal argagixisanimo oo ay damacsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab in ay ka geystaan Boosaaso.

Maalmo ka hore ayay ahayd markii ay ciidamadu ka hortageen weerar gaadmo ahaa oo ay Al-Shaab damacsanaayen iney ku soo qaadaan saldhig ciidamada PSF ay ku lahaayeen Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

One thought on “Ciidamada amniga ee Puntland oo fashiliyay qaraxyo ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab

  1. Jirac

    SUBXAANALLAH shaatigaan shaydaanka ilaa 1993 waa inaga joogsan la’yahay hala xakameeyo qofkastaa oo Reer puntland ah oo damiir leh ha la diriro. Bal caqligan eega Hawiye iyo Isaaq iney puntland dhisanto waa ka dagaalameen “mar waa AKHWAAN mar waa ALSHAYDAAN” iney horumartana way ka dagaalamayaan marka maxaa dadkanaga balaayadan laga soo waaridiyo meelo kaleeto la’iskaga qaban la’yahay? Waar kuligiin sirdoon askar noqda rag iyo dumarba oo iska qabta oo “No Mercy” waa qofkee qofka damiir laawaha ah ee ku fekaraya inta nin dhul kaleeto ka yimaado inuu Deegaan kaaga ragaadiyo qarxiyo dadkaaga xasuuqo sow SIXIR maaha. BISMILLAHI RAHMANI RAHIM ilaahow dadkanaga noo badbaadi oo Deegaankeena noo badbaadi.

    Reply

Leave a Reply to Jirac Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*