26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay Brussels wasiirka arimha dibadda  Sweden iyo Wasiirka Socdaalka Canada

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Caasimadda Biljimka ee Brussels dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström, oo ka qeybgashay gebagebada Madasha Wax wadaagga Soomaaliya oo ay goobjoog ka ahaayeen deeqbixiyeyaasha caalamiga.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir waxa ay muujiyeen rajo wanaagooda xaaladda Soomaaliya in ay gaarto heer barwaaqo, iyagoo xaqiijiyay xiriirka xooggan ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah uu ka dhexeeyo.

Sweden waxa ay ka mid tahay kuwa taageera isbadalka iyo horumarka Soomaaliya, waxa ayna ka qeyb tahay dalalka ugu muhiimsan ee barbar istaagan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Brussels Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Dhalashada ee Canada Mudane Axmed Xuseen kadib ka qeybgalkooda shirka Madasha Wax wadaagga Soomaaliya ee ku qabsoomay dalka Biljimka.

Intii kulanku socday ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha xiisa wadaagga ah, iyaga oo eeggay xiriirka laba geesoodka ee labada dal u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*