Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

11th March 2025  admin  

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo booqday Xaadadaha Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad. See less

11th March 2025  admin  

Xulka Soomaaliya oo laga badiyay, laakiin soo bandhigay ciyaar lama filaan ahey Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa xalay guuldarro kala kulmay ciyaartii ugu horreysay ee isreeb-reerbka Koobka Adduunka ee sannadka 2026 lagu qaban doono dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico, kadib markii xulka Algeria uu 3-1 uga badiyay ciyaar ka dhacay garoonka Nelson Mandela. Soomaaliya […]

11th March 2025  admin  

‘Xaaskeyga oo umul ah ayaan waayay lacag aan cunto aan helay ugu geeyo’ Soomaaliya oo ay ku dhufteen daadad xoogan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof sida ay baahisay Hay’adda Musiibooyinka Qaran ee Soomaalida (Sodma). Gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Baardheere ayaa kudhawaad gabi ahaan dadkii daganaa isaga barakaceen, iyada oo noqoneysa mid […]

11th March 2025  admin  

Erdogan oo Israa’iil ku tilmaamay ‘dowlad argagixiso ah’, si adagna u weeraray reer galbeedka Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Israa’iil ay tahay “dowlad argagaxiso ah” oo dambiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, isagoo sii xoojiyey dhaleeceynta isdabajoogga ah ee uu u jeedinayo hoggaamiyeyaasha Israa’iil iyo taageerayaashooda reer galbeedka. […]

11th March 2025  admin  

Maxay 20 jirada Ceerigaabo duhurkii u dhaxamoonayaan? Koox dhallinyaro ah oo degan magaalada Ceerigaabo ayaa iska qaaday sawiro iyaga oo huwan bustayaal gacmahana ku haysta shaax bartamaha magaalada Ceerigaabo. Waxay sheegeen in xilligu duhur yahay, dhaxan darteedna ay u dugaashanayaan huga culus iyo shaaxa, Kooxda dhallinyaradaha oo wada jooga isla goobtii ay sawirka ku galeen […]

11th March 2025  admin  

Bahda ALLSANAAG waxay tacsi tiiraanyo leh u kala dirayaan Qoysaskii IYO QARAABADII ay ka kala geeriyoodeen Allah ha u Wada naxariistee DR Maxamuud Axmed Aadan (Jabane) oo Bosaso ku geeriyooday saaka iyo Hooyo Caasha Maxamed Xuseen oo maanta ku geeriyootay magaalada Ottawa ee Dalka Canada. Waxaanu Marxuumiinta Allah uga baryayanaa inuu Janaddii Fardowsa ahayd ka […]