28th March 2024  admin  Category :

Arday reer Badhameed ah oo Xaashi Cad Af xir ama Mask k dhigtay si uu fasalkiisa u fariisto

Cabdiwali Farxan Cabd Cali, Waa arday dhigta Dugsi ka mid ah Dusiyada degmada Badhan ee gobolka sanaag.

Maalintii shalay ayuu wuxuu u kalahay Dugsigii uu dhigan jiray, hase ahaatee wuxuu gurigoodii ku sii ilaaway Af xidhkii (Maska) oo si looga hortago Covidka ardada lagu amray inay soo wada xirtaan, haddii kale loo ogolaanayn inay fasaladooda galaan.

Markii uu Albaabka fasalkiisa yimid waxa laga hor istaagay inaanu fasalkii soo geli karin oo ardada kale la fariisan karin ilaa uu Af xir soo qaato

Cabdiweli isaga oo aan ka bixin daaraddii Dugsigii uu dhhiganayey, ayuu fekeray oo Buugtii uu watay mid ka mid ah intuu xaashi cad oo aan wax ku qornayn ka goostay si xirfadaysan uga samaystay Mask, kuna soo laabtay fasalkiisii si xiisadihiisu ayna u dhaafin.

Markii maamulkii iyo Macimiintii arkeen maskaxda saaran wiilkan awoowayaashiis qarniyo ka hor Dabaqyo ka dhisanayeen Laasqoray waa u ogolaadaan in fasalkii uu la fariisto asxaabtiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*