16th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Camey isaga oo ixtiraamaya Dastuurka Puntland ma is Casili doonaa?

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar “Camey, oo ah murashax ay dhegta wax ugu soo  sheegeen madaxda dawladda federaalka Soomaaliya  ayaa khal siyaasadeed iyo mid amni ka dhex abuuray degaanada Puntland oo ay horay amni xumo uga jirtay degaano badan oo ay ka mid yihiin  gobolada Bari, Sanaag, Sool, Hayland iyo Cayn.

Mar hadduu yahay madaxweyne ku xigeenku murashax u tartamaya hogaanka Puntland, waa in uu ixtiraamaa Dastuurka Puntland.

Dasturka Puntland, Qodobka 44aad  waxa uu sheegayaa dadka aan is sharaxi karin, waxaana ka mid ah

1- Hawlwadeennada dawladda isma sharrixi karaan haddi aanay iska casilin xilalka ay hayaan. Sharciga doorashada ayaa sheegaya wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay inay is casilaan haddii ay doonayaan inay tartanka doorashooyinka ka qaybgalaan.

Hadaba madaxweyane ku xigeenka Puntland isaga oo ilaalinaya dastuurka Puntland ee uu doonayo in lagu soo doorto, waa in uu iska casilaa xilka uu maanta hayo oo uu ku dhawaaqaa inuu yahay murashax u tagaan inuu qabto  hogaanka Puntland doorashada soo socota. Sidoo kale waa in uu daacadnimo ula hadlaa  umadda reer Puntland oo u sheegaa in Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmajo ay Maalgelinayaan.

Ugu danbayntii, maalmo ka hor  inta badan bulshada reer Puntland  waxay aaminsanaayeen  in gobolka Sool laga xoraynayo  argagixisda SNM, maanta hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ka hor   sheegay warbahinta Koonfurta Soomaaliya  ee ay  ka muuqatay  khilaaf ku dhex  jira madaxda sare ee Puntland  iyo damac siyaasadeed oo loo adeegayo Qawmiyado kale ayaa meesha waxay ka saartay xorayntii gobolka Sool. Waxay abuurtay khakhahl siyaasadeed oo keeni kara  in argagixisadu ku soo dhiiradaan Puntland. Si taa looga hortago waa in madaxweyne ku xigeenka Puntland , oo sheegay inaanu la shqayn karin madaxweynaha Puntland  uu xilka uu u  hayo bulshada reer Puntland iska casilaa oo u noqdaa Musharaxa ay wataan federaalku.

Marka  labaad  haddii  laga yimaado Dastuurka Puntland, madaxweyne ku xigeenka Puntland waxay ahayd inta uuna warbaahinta ka sheegin canbaaraynta madaxweynaha Puntland in Odayaasha Puntland isugu yeedho oo u sheego waxa Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ku wanaagsan yihiin oo ay u qabteen bulshada Puntland.

Allsnaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*