26th April 2024  admin  Category :

Puntland oo ku dhawaaqdey markale aqalka sare, khilaaf la xaliyey

 

GAROWE, Puntland- Kadib markii diidmo ka timid ururada haweenka oo tsgeero ka helaya xafiiska qaramada midoobey ee Somalia iyo guddiga doorashada Somalia ayaa madaxweynaha Puntland waxaa uu dib u soo magacaabey markale liiska u tartamayaasha aqalka sare ee Barlamanka Somalia Iyadoo markaan la ilaaliyey qoondada dumarka.

Warsidaha Garowe Online oo horey u shaaciyey in madaxweynaha Puntland dib u soo magacaabeyo liiska aqalka sare ee Somalia isagoo tanaasulanaya xubinta kaga jirta liiska besshiisa ayaa sidoo kale kursiga beelaha gobolka Sool ka dhigey in dumarka kaliya ku tartamaan.

Dhinaca kale Warsidaha GO ayaa fahansan in madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa isku khilaafeen xubinta gobolka Sool kadib markii Mudane Camey kaasoo horjeestey in xubinta aqalka sare kaasoo galeysa gobolkaas lagu qoro qof haweeney ah.

Mudane Gaas iyo ku xigeenkiisa ayaa wadahadal kadib isku waafaqey in xubintaas la siiyo dumarka balse markale isku khilaafey shaqsiga dumarka ah ee u tartamaya kursiga.

Madaxweynaha Puntland ayaa kaasoo dhoofey Garowe sida Warsidaha Garowe Online fahansan yahay Iyadoo weli uu jiro khilaafka u dhexeeya ku xigeenkiisa isagoo soo saaray liiska musharaxiinta u tartamaya aqalka sare ee Barlamanka Somalia.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo aad uga caroodey talaabada madaxweyne Gaas ku soo magacaabey xubanaha dumarka ee ku tartamaya kursiga Sool islamarkaana uga dhoofey wadanka dubadiisa ayaa amar ku siiyey in Barlamanka Puntland kalfadhigiisa cardiga aan aheyn furmi karin ilaa la xaliyo khilaafkaan. Amarka ku xigeenka Puntland kadib ayaa xubno kamid ah Barlamanka Puntland habeenkii xaley ku qanciyeen inuusan is-hortaag kale ku sameyn howlaha doorashada kuwaasoo dib u dhac ku jirta tasoo uu ka aqbaley xildhibanadaan.

Liiska madaxweynaha Puntland oo maanta lagaga dhawaaqey xarunta Barlamanka ayaa waxaa ka maqan sidoo kale gudoomiye ku xigeenkii Barlamanka Cawad iyo Yaasiin Cabdi Seed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*