26th July 2024  admin  Category :

 Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Doorashada Hirshabeelle ka qaaday Axmed Xasan Diini, isagoo xubinimada Gudiga u Magacaacabay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi).

Xilka qaadistaan ayaa timid kadib markii guddoomiyihii guddigaas uu xalay soo saaray warqad ay ku qoryaanyeen odayaal la sheegay in ay soo xulayaan ergada dooranaysa saddax kursi oo kamid kuraasta taalla Baladweyn.

Talaabadan kahor, Page-ka Facebook ee Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa laga saaray warqad lagu shaacinayay guddiga xulista saddex kursi uu ku jiro #HOP135 oo aan aheyn odayaashii saxda ahaa, kursigan waa midla ay ku fadhiso xildhibaan Aamina oo ay Viladu dadaal galineyso sidii tartanka looga reebi lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*