26th July 2024  admin  Category :

Caleemo saarka Deni ma noqon doonaa madal lagu xalliyo khilaafka Federaalka iyo Puntland

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay marti-qaad u fidiyeen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu uga qayb galo munaasabadda caleema saarka madaxweyne Deni.

Wararku waxay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu ka jawaabay marti qaadkaas isagoo gaaray magaalada Garowe, isagoo intii uusan gaarin madasha caleema saarka kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Puntland.

Haddaba haddii madaxweyne Xasan iyo Deni ay kulmeen fursad ma u tahay in khilaafkoodii xal laga gaaro?

“Kulankooda inuu mirodhal noqon doono baan aaminsanahay sababtoo ah ma eegeyo wixii la soo dhaafay ee mustaqbalka baa Soomaali u yaalla marka caqabadaha yaalla labadooda xafiis iyo guud ahaan xafiisyada kale ee dalka marka la fiiriyo waxaan heshiis ahayn lagama sugaayo,” ayuu yiri Mursal Saney oo madaxa Machadka Heritage.

“Kolley hadda waxaa bilowday waa cusub oo ah in madaxweyne Siciid mar labaad madaxweyne loo doortay marka is aragooda ayaaba muhiim ah oo waxa uu xallin doonaa boqolkiiba toddobaatan culeyskii jiray ka dibna hal kulan laguma xallin karo marka inay dib u ballami doonaan oo ay is arki doonaan mas’uuliyiinta Soomaaliya ayna xallin doonaan mishaakilaadka Soomaaliya oo maanta aan u baahnayn siyaasad la ciyaarayo oo u baahan hooggaan ummadaan ka saaro waqtigan adag oo cadow gude iyo mid dibedba uu haysto, marka waxaa looga fadhiyaa inay heshiiyaan oo wada hadlaan oo Soomaalida ay meel u jiheeyaan” ayuu yiri.

Mursal Maxamed Saney.
Qoraalka sawirka,Mursal Maxamed Saney

Waxa uu sidoo kale sheegay inta qof Soomaali ah uu cabasho tabanayo in aysan wax hormar ah Soomaaliya gaareyn. “Qofkasta oo Soomaali ah waa in cabashadiisa la dhageystaa oo weliba la xalliyaa, marka waxaa lagu khasban yahay in wixi caqabad ah la xalliyo wax aan xal lahayn ma leh waxay u baahan tahay niyad sami oo weliba hadda muuqataa.”

Mursal ayaa sidoo kale sheegay in Punland ay qeyb ka tahay dowladda Soomaaliya iyada ayaana bud-dhige ahayd.

“Ismari waaga dhexmaray mas’uuliyiinta marnaba ma hakin doono inay Soomaalida horay u socoto, mas’uuliyiinta waa baxayaan dadka Soomaalida ahna waa ay jiri doonaan marka inay fariistaan oo caqliga shaqeeyo laga wada hadlo caqabadihii jiray iyo wixii la isku diiddanaa, dadkan shirko ma ahan oo xoolo kama dhaxeeyaan keliya masiirka umadda Soomaaliyeed baa ka dhaxeeya.”

Dhanka kale Dr Cabdiweli Maxamed Gurey oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya ayaa mar sii horreysay BBC-da u sheegay in dhowr arrimood oo waaweyn ay horyaalaan.

“Waxbadan oo laysku hayo ayaa jira, waxaana laga doonayaa dowladda madaxweyne Deni in xal ay ka gaarto”

Sidoo kale Dr. Cabdiweli wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee taagan ay yihiin in wadahadallo loo baahan yahay.

‘‘Puntland ma ahan jasiirad gooni ah waxay ka tirsan tahay dowladda federalka, waxaan aaminsanahay in waxyaabaha ugu waaweyn ee loo baahan yahay ay ka mid yihiin in la sameeyo wax badan oo wadashaqeyn ah oo labada dhinaca iyo in la wadahadlo”.

Khilaafka Madaxweyne Deni iyo Xasan Sheekh

Muddo xileedkiisii hore waxaa jiray caqabado badan oo uu la soo kulmay, Waxaana ka mid ahaa khilaafka gudaha maamulkiisa iyo kan dowaladda federaalka.

Madaxda Puntland marka laga reebo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ma jirin madaxweyne marka uu dhamaaday muddo xileedkiisa mar kale soo laabtay. Madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni wuxuu soo afjaray diwaankii halka mudda xileed ee ay joogi jireen madaxdii isaga ka horreysay.

Muddo xileedkiisii hore waxaa jiray caqabado badan oo uu la soo kulmay, Waxaana ka mid ahaa khilaafka gudaha maamulkiisa iyo kan dowladda federaalka.

Inta uusan soo shaac bixin khilaafkaas kala dhexeeyay madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni dowladda federalka ah, waxaa laga dareemayay hadaladii uu ka jeediyay magaalada Garowe bishii Maarso sanadkii tagay, wuxuuna ka sheegay haddii la rabo in xal laga gaaro dhamaan dhinacayda Soomaalida ay isku yimaadaan oo si dhab ah loo wadahadlo.

Wuxuu ku eedeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku takri fal awoodeed oo uu ku hayo xafiiska raysal wasaaraha, wuxuuna intaa ku daray in Puntland ay si gooni ah u qabsan doonto howlaheeda tan iyo inta laga helayo wax heshiis lagu wada yahay.

Madaxweyne Deni intii uu ku jiray ololaha doorashada waxaa khudbooyinkiisa ku jiray hadalo uu kaga horjeeday dowladda federalka isagoo toos ugu dhaliilay madaxda dowladda in ay dimuqraadiyadda diidan yihiin.

“Waxaa maanta cadaatay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxay isu raaceen in ay dimuqraadiyadda diidan yihiin oo ay la dagaallamayaan” ayuu ka sheegay fagaare uu kula hadlayay taageerayaasha xisbigiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*