26th July 2024  admin  Category :

Calaamadaha lagu garto kansarka ku dhaca xubinta taranka ee ragga

Hormoonnada shahwada ee ragga ayaa qaabilsan dhinaca dhalmada waxayna kasoo baxaan xubinta taranka ee loo yaqaan xiniinyaha. Hase yeeshee, arrintaas waxaa dhibaato weyn u geysta nooc ka mid ah cudurka cancer-ka oo inta badan dadku aysan ku baraarugin marka uu soo wajaho.

Cancer-ka ku dhaca xiniinyaha oo afka qalaad ee caafimaadka lagu dhaho “testicular cancer” waxa uu saameeyaa unugyada soo saara biyaha ragga iyo kuwa dibadda usoo saara labadaba.

Qiyaastii boqolkiiba 90 ka mid ah cancer-ka xubinta taranka ee ragga waxa uu asal ahaan ka abuurmaa unugyada sameeya shahwada. Boqolkiiba 10-ka kale waxay ka imaadaan koox burooyin ah oo ku sameysma xubinta salkeeda.

Sanad kasta waxaa caalamka laga diiwaangeliyaa in ka badan 50,000 oo qof oo uu ku dhacay cancer-ka xiniinyaha. Ku dhawaad 10,000 oo ka mid ah bukaannada ayaa sanad walba u geeriyooda cancer-ka noocaas ah.

Inta badan dhimashada waxaa loo sababeeyaa in dadka ay xilli dambe tagaan dhakhtarka, markaasoo uu xanuunku gaaray heer aan waxba laga qaban karin. Sababta ugu weyn waa in aan si fiican loogu baraarugsaneyn calaamadaha muujiya cudurkan dilaaga ah.

Maxaa sababa cancer-ka xiniinyaha?

Ilaa hadda lama oga sababta saxda ah ee keenta cancer-ka xiniinyaha

Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxa sababa kansarka ku dhaca xubinta taranka ee ragga, khubarada seyniska caafimaadkuna waxay ku howlan yihiin in ay sharraxaad helaan.

Waxaase la ogaaday in ragga uu cudurkan ku dhaco ay u badan yihiin kuwa da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 35 sano.

Calaamadaha lagu garto cancerka xubinta taranka

Astaamaha muujiya cancer-ka xiniinyaha wey kala duwan yihiin. Calaamadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

  • In xiniinyaha ay ka baxaan booskooda iyagoo aadaya qeybaha kore ee jirka, taasoo dadka qaar ay u yaqaannaan “xiniinya-roor”.
  • In uu qofka dareemo xanuun dhanka xiniinyaha ah
  • Xanuun u badan qeybaha hoose ee caloosha
  • Saxaro biyo ah oo qofka ka imaata
  • Neefsashada oo adkaata
  • Dhabar xanuun
  • Cunto xumo
  • Miisaanka oo hoos u dhaca
Calaamadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah miisaanka jirka oo hoos u dhaca

Marka ay calaamadahan soo muuqdaan, waxaa habboon in qofka lagu sameeyo baaritaanno ay ka mid yihiin tijaabada dhiigga, raajada xabadka iyo raajada xubnaha taranka.

Daweynta cancer-ka xubinta taranka

Habka daweynta cudurkan waxa uu noqon karaa dhammaan noocyada daweynta cancer-ka, sida gubista oo loo yaqaanno “chemotherapy” iyo “radiotherapy” oo loogu talogalay in lagu baabi’iyo unugyada uu haleelay cancer-ka.

Tirada dadka sida buuxda looga daweeyo wey badan tahay, waxayna ku xiran tahay mar walba heerka uu gaarsiisan yahay cudurka iyo xilliga laga war helo.

Cancer-ka xubinta taranka ee ragga waxa uu inta badan qofka ku dhacaa xilliga ka dambeeya qaan-gaarka ee ka billowda 15 jir, waxaana suurtagal ah in dhalmadu ay istaagto inta ay socoto daaweynta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*