29th March 2024  admin  Category :

Madaxwayne Cagjar Oo Magaalada Asmara kula Shiray Madaxda Ururka ONLF.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar Muxumed ayaa sheegay inuu kulan magaalada Asmara kula qaatay hoggaamiyeyaasha ururka ONLF.

Mustafa Cumar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxada ONLF ay ka wada haldeen taarikhda halgankii dheera iyo ku guriyo noqoshada.

received_462418390915200

Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dowladda Itoobiya ay cafis u fidisay uraradii mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeday isla markaasna waxay ka saartay liiska argagixisada.

Dowladda Itoobiya waxay wafddi isku dhaf ah u dirtay magaalada Asmara si ay ururada wadahadalo nabadeed ula yeeshaan, waxaana kamid ah ururka ONLF oo muddo dagaal kula jiray dowladda Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*