27th July 2024  admin  Category :

Cabdirashiid Cali Geele Waa wasiirkii ay reer Maakhir u baahnaayeen Xaaladda lagu jiro maanta.

Wasiiru dowlaha deeganka Puntland mudane C/rashiid Cali Gelle, ayaa intaan xilka  loo magcaabin ,  waxa uu ahaa shakhsiyaadka aad ugu ololeeya horumarka Gobolada Sanaag iyo Hayland.

Cabdirashiida Cali Geele, sagaasameeyadii wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada aadka u firfircoonaa  ee gobolka Bari . Markii danbe wuxuu noqday ganacsade aad ugu dhex jira Bulsada uu ku dhex nool yahay.

Cabdirashiid, wuxuu ka mid ahaa dadkii aadka ugu soo horjeeday sida lagu galay dagaalka Galgala, iyada oo aan waxba laga waydiin Odayaasha Degaanka,

Cabdirasiid wuxuu dedaal dheeraad ah u galay sidii  beesha Warsangeli ay golaha degaanka degmada  Boosaaso ay uga heli lahaayeen Xubin kale , waana ku guulaystay.

Maanta waa wasiir ka mid ah maamulka Puntland, wuxuuna  safka hore ugu jiraa difaaca Maakhir. Sidoo kale wuxuu ka  dagax dhigay  degmada Badhan Saldhig  ay yeealan doonaan  Ciidamada  Puntland ee kala duwan . Waana  talaabo horay loo qaaday dhanka amniga, siyaasadda iyo ka saarida argagixisada ku dhuumaalaysanaysa buuraha Cal madow.  Waxay noqon doontaa dhamaadka ay SNM ku soo galaan Maakhir

Ugu danbayntii, Maanta taariikh ayaa qormaysa, natiijadeedana iyo waxay ka yiraahdaana waxaan u daynayaa dadka Taariikhda wax ka qora ama ka qori doona.  Bishii sadexaad ee 2019, maalintii Isaaq  Yube qabsaday ma waxaad taageeraysay Kooxdii Hargaysa u haajirtay oo taageertay Duulaanka ISAAQ  mise kuwa safka hore ku jiray ee difaacayey degaanka. oo uu ka mid yahay Wasiir Geele.

ALLSANAAG,COM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*