23rd October 2024  admin  Category :

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa ineey ka hirgelineeyso mashruuc biyo xireen dalka Soomaaliya, gaar ahaana, magaalada Hargeeysa.

Mashruucan laga hirgellinayo Hargeeysa ayaa qeeyb ka ah barnaamij ay hurmuud ka tahay dawaladda Imaaraadka oo loogu magac daray sanadkii wax siinta iyo bixinta oo lagu caawinayo Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha adag ee heeysta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, dawladda Imaaraaadka waxeey ururin doontaa muddo hal bil ah lacag dhan shan boqol oo milyan oo ah lacagta dirhamka 500 milyan oo ah mid loogu talagalay baahiyaha ay ka midka yihiin cuntada, biyaha, daawada iyo baahiyaha kalle.

Dalka Soomaaliya waxaa daashaday faqri iyo dagaal aan dhamaaneen, oo ay u dheertahay dad afka soo kalla haya oo doonaya ineey u dhigtaan afka waxa yar ee caalamka laga soo ururiyey.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*