7th September 2024  admin  Category :

C/raxmaan C/shakuur oo ku sugan Madaxtooyada iyo kulan u socda Ra’iisul Wasaaraha

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo wada hadalo kula leeyahay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan ayaa ahaa mid u soo dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo uu aqbalay C/raxmaan C/shakuur, si ay uga wada hadlaan xaalada guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 8-da qodob ee uu shalay ka hor balanqaaday markii la ansixiyay waxaa ka mid ahaa inuu sameyn doono dhab u heshiisiin, isla markaana Xukuumadda uu soo dhisi doono ay dalka ka saari doonto marxalada kala guurka ee uu dalku galay.

Tagitaanka Madaxtooyada ee C/raxmaan C/shakuur ayaa ah markii u horeysay muddo saddex sano iyo bar, iyadoo Dowladda Farmaajo u arkeysay in C/raxmaan uu ahaa cadawgeeda koowaad, maadaama u ahaa Mucaaradkii ugu weynaa oo mar hoygiisa lagu weeraray, lana xiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*