26th July 2024  admin  Category :

Puntland Oo Dib U Eegeysa Mashaariicda Hay’adda Save The Children

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Hay’adda Save the Children ayaa maanta yeeshay kulan dib loogu eegayo mashaariicda ay ka wada Shaqeeyaan.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen agaasimaha guud ee waaaaradda iyo qaar kamid ah agaasima waaxeedyada ayaa lagu lafa guray mashaariicda socota qorshihii 2020 waxa la gaaray caqabadihii jiray oo ay ugu weynayd in xanuunka Covid19 uu samaaynta ugu weyn ku yeeshay in sidii loogu talagalay ufulaan.AKHRISO

Waare oo kulan la yeeshay Xildhibaanada laga soo doorto HirshabelleSep 24, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Cusub oo kulamo gaar ah ka billaabay MuqdishoSep 24, 2020

Maamulka G/Banaadir oo dhagax dhigay Goobo waxbaarsho iyo xaruumo kaleSep 24, 2020

Agaasimaha guud wasaaradda  Abdirisaaq Hirsi Hasan oo shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qabsoomida kulankaan iyo sidoo kale wada shaqaynta wanaagsan ee Save The children kala dhaxaysa. Waxa uu soo bandhigay waxyaabihii qabsoomay caqabadihii jiray iyo sidii inta sanadka ka dhiman loo gaari lahaa qorshayaashii dagsanaa.

Mohamed Said Madaxa Save the children Puntland ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeyay shirkaan dib loogu eegayo mashaariicda ay wasaraadda kala shaqeeyaan, waxaana uu dhankiisa balanqaaday inay qorshahii sanadka daganaa wixii laga gaari karo la qabto.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad laga gaaray wixii laga wada hadlay iyo in la sii labo jibaaro shaqada socotay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*