6th February 2023  admin  Category :

Buuga Maansadii Timacadde : Boobe goormuu qiran doonaa in Saalax la qoray?

November 07, 2010

WardeerNews ayaa July 07, 2010 daabacday qoraal taariikhiya [hoos ka akhri] oo caddeeyey in Boobe Yuusuf Ducaale iyo Saalax Jaamac Xuseen wada qoreen buugii u horeeyey ee lagu ururiyey suugaanta Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde oo cinwaankiisu ahaa “Maansadii Timacadde” sanadkii 1978.

Buugaagtii ka dambaysay sanadkaa ee soo baxay, Boobe Yuusuf Ducaale ayaa keligii sheegtay inuu qoray. Boobe ilaa iyo hadda waa diidan yahay inuu erey ka yidhaadho sababaha magaca Saalax uu uga tirtiray daabacadihii dambe ee buuga “Maansadii Timacadde”. Boobe keligii ayaa buugaa ilaa iyo hadda sheeganaya, iyadoo buugii Saalax la qoray la soo bandhigay, qoritaankiisa taasoo qoraal-dhac ku salaysan.

Dhaca Saalax Jaamac qoraanimadiisii lagu bililiqaystay waxaa dadka af Soomaaliga ku hadla guud ahaan ee jecel suugaanta abwaan Timacadde, gaar ahaan shacabka Reer Hargeysa, oo ah meesha hadda Boobe ku sugan yahay ee badanaa lagu iibiyo buugga badh-booliga ah ee wata magaca Boobe oo keliya, si taariikhdu marag ugu noqoto, waxaa dulsaaran inay xaqii qoraanimada Saalax u soo celiyaan maadaama Boobe rabo in dhacaa uu sameeyey uu ka aamuso si saxaafadda iyo shacabka u ilaawaan oo sidaa buuga keligii ugu dhignaado qore ahaan.

Boobe waxay ahayd, markii WardheerNews arrinta kashiftay, inuu Saalax qoraanimadiisii qirto, balan qaado inuu ku kacayo talaabo buugga la hayo hadda magaciisa loogu muujinayo, gefkaa dhacayna uu raali gelin ka sameeyo. Taa ma samayn weli ee wuxuu Hargeysa kula soo shirtagaa buugaa oo keligii qore ugu qoran yahay.

Maadaama wax sixid samayn ah aanu Boobe ilaa iyo hadda laga hayn, dadka mas`uulka ka ah goobaha buugaagta lagu iibiyo sida maktabadaha, dukaamada iyo meel kastoo buuga “Maansadii Timacadde” yaallo ayay waajib ku tahay inay iyagu saxaan khaladkaa weyn, oo lifaaq muujinaya in Saalax Jaamac Xuseen iyo Boobe Yuusuf Ducaale ay wada qoreen buugaasi ay dhexgeliyaan.

Dhicitaankan Boobe ku samayey Saalax sixitaankeedu waa waajib, si mustaqbalka qoraaga Soomaaliyeed wixiisa loo ilaaliyo oo ummada Soomaaliyeed u yeelato dhaqan diidaya in dhac noocan ah la iska indha tiro.

Ma aha in ay bililiqeysi-qoraal ku lug yeelato hantida suugaaneed ee abwaan Timacadde, oo ka mid ah abwaanada Soomaalida ugu magaca dheer. Sidaa darteed, saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Hargeysa oo lagu yaqaano qaarkood in runtu rukun u tahay iyagoo aan u aabe yeeleyn cidda ka naxaysa ama farxaysa qoraaladooda, waa inay Boobe ka dalbadaan inuu ka jawaabo arrintan la xidhiidha buuga “Maansadii Timacadde” iyo Saalax Jaamac Xuseen waxa uu uga tirtiray.

Yaa Qoray Buugga “Maansadii Tima Cadde”?
WardheerNews
July 07, 2010

Waxa aannu halkan idiinku soo bandhigaynnaa faallo ku saabsan ururintii u horraysay ee maansadii Eebbe naxariistii janno ha siiyee Cabdillaahi Suldaan “Timacadde”.

WardheerNews waxa soo gaadhay nuskhad buug aan la faafin, madbacadna aan lagu daabicin oo teeb lagu garaacay. Kaas oo cinwaankiisu yahay “Maansadii Timacadde” oo ay wada qoreen Boobe Yuusuf Ducaale iyo Saalax Jaamac Xuseen. Waxa Golaha Tifaftirka ee WardheerNews ay mahad gaar ah u celinayaan Saciid M M Shire (Suugaan) oo nuskhadan hayey, nalana wadaagay. Buuggaas taariikhda la teeb gareeyey waa Luulyo, 1978.

1983 kii waxa ay Wakaaladdii Madbacdda Qaranku soo saartay buug uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale oo la cinwaan ah kan aan la daabicin ee ay isaga iyo Saalax Jaamac Xuseen wada qoreen. Buuggaas Wakaaladda Madbacadda Qaranku daabacday 1983 ayaa malaha dhaliyay in dadka badankiisa ay ku baahdo in ururinta iyo qoridda suugaanta Timacadde uu leeyahay Boobe Yuusuf Ducaale oo keli ahi. Hase yeeshee waxa hadda cad in arrintaas ay wada lahaayeen Boobe iyo Saalax.

Saalax iyo Boobe ka sokow, waxa isna jira qoraa kale oo ururiyey maansooyinka Timcadde. Qoraagaas oo la yidhaa Muusa Carab Obsiiye ayaa isna ku daabacay magaalada Toronto, 1999, buug faahfaahsan oo ay ku urursan yihiin suugaantii Timacadde.  Muuse Carab wuxu buuggiisa u bixiyey “Xornimadii Lixdankii iyo Xigmaddii Timacadde”. Kaas oo uu ku muujiyey dedaal dheeraad ah oo isugu jira wareysiyo, cajalado ururin iyo socdaal uu ugu kictimay gobolka Waqooyi Galbeed xilligaa oo la xidhiidhay taabidda xikmaddii Timacadde.

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa isna soo saaray sannadkii 2006 dii buug uu u bixiyay Diiwaanka Maansada Cabdillaahi Suldaan Maxamed “Timacadde” (1920-1973).

Haddaba waxa noo suuragashay in aannu si kooban isu barbardhigno labada buug ee soo kala baxay 1978 iyo 1983, cinwaankooduna wada yahay “Maansadii Timacadde”. Isbarbardhiggaas sida akhristayaashu arki karaan, waxa cad in buugga uu Boobe Yuusuf Ducaale daabacay 1983 iyo kan ay wada qoreen Saalax Jaamac Xuseen aanay waxba ku kala duwanayn, inkasta oo aanu Boobe meelna kaga xusin buuggiisa (Maansadii Timacadde 1983), hawshaas isaga iyo Saalax ay wada qabteen toddobaatanaadkii. Kansho umaannaan helin in aannu samaynno isbarbardhig buugaagta dambe iyo labadaas ka horreeyay, waana arrin u furan dadweynaha in la sii derso.

Waa kuma Saalax Jaamac Xuseen?

Saalax wuxu ku dhashay baadiyaha degmada Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag. Waxbarashadiisii hoose wuxu ku qaatay magaalada Cadan. Tii dhexe iyo sare wuxuu ku dhammaystay magaalada Xamar isagoo ka soo baxay dugsigii sare ee Banaadir. Jaamacada “Cornell University”, ee dalka Maraykanka, ayuu cilmiga suugaanta kaga qaatay shahaadado sare. Saalax Jaamac Xuseen wuxu ka tagay dalka isagoo ka ah tifaftire qaybta suugaanta ee wargeyskii Xiddigta Oktoobar.

Saalax waxa uu WardheerNews u sheegay, in isaga iyo Boobe oo Baar Liido wada fadhiya ay halkaa ka bilaabeen inay ka wada hadlaan ururinta maansada Timacadde oo sidaa ay ku hawl galeen. Saalax wuxu yidhi “ Waxa jirta in mar xataa Cabdikariim Xaaji Ducaale waraysi ku saabsan maansada Timacadde naga wada qaaday oo aan anigu ararta gabayada Timacadde aad ugu dheeraday inaan qaadaa dhigo.”

Isbarbadhig kooban

Labada Afeefood

Afeefta buugga “Maansadii Timadde” ee 1978 ee ay wada qoreen Boobe iyo Saalax waxay u wada hadlayaan si jamac ah.  Waxa ay ku tilmaamayaan in ay wada bilaabeen hawsha buuggaa 1975, cajalado iyo dad qaybsanaa ka qoreen, lana wada kulmeen dad ku tala jiray ururinta maansada Timacadde. Waxa kale oo ay ku sheegayaan afeefta in shandad ay ugu jireen gabayadu lagala baxay gaari ay wateen iyagoo cayaar ku wada daawanaya Banaadir. Ka dib waxay noqotay in ay dib u wada qoraan mid kale (buuggani sannadka shanadadda la xaday wuxu ka dhigayaa 1977, halka daabacadda 1983 aanay magcaabayn sannadka).

Buugga “Maansadii Timacadde“ cinwaankiisu yahay ee Boobe Yuusuf Ducaale ku daabacay Xamar, 1983, cinwaanka, afeefta, mahadcelinta, tirada gabayada ee ku qoran, iyo qaybta ereyfurka waxa uu kala mid yahay kan 1978 ee “Maansadii Timacadde” ee isaga iyo Saalax Jaamac Xuseen wada qoreen. Waxa keliya ee u dhexeeyaa waa buugga 1983 oo ereyada jamaca muujinya laga dhigay keli. Tusaale ahaan buugga 1978 halka ereyada loo adeegsanayo hawsha ay wada qabteen labada qore ay ka yihiin “Bilownay” waxa kan 1983 lagu bedelay “bilaabay”, “ku soo urrurinnay” waxa laga dhigay “ku soo ururiyay”  iyo weedho kale oo la mid ah.

Gebagabada afeefta, taariikhda lagu qoray jeldiga buugga oo ah bisha 7aad (Luulyo), 1978 waxa kan dambe la raaciyey maalinta oo ah 10.7.1978. Laakiin halkii ahayd “Boobe & Saalax Jaamac” waxa ku qoran kan dambe “Boobe” oo keliya.

Wixii dheeraad ah oo bedelaadda noocan oo kale ah ka eeg afeefta labada buug ee la socota qoraalkan oo dhammaystiran.

Isbarbardhigga Labada Mahadcelinood

Mahadcelinta buugga 1978 ee “Maansadii Timacadde” waa ka faahfaahsan tahay kan 1983 ee Boobe keligii soo saaray. Boobe iyo Saalax waxay wada xuseen oo muujinayaan sida dadka ay u mahadcelinayaan u kala taageereen. Tusaale ahaan Daahir Cabdillaahi iyo Aadan Weris waxay u muujinayaan siday gabayo fara badan uga heleen oo ay mahad celintoodu aad uga weyn tahay qof kasta. Waxaa labadaa soo raaca oo iyana mahad weyn le, gabayada kala duwan oo ay ka heleen dartood: Cabdikariim Xaaji Ducaale (madaxii Raadiyow Hargeysa), Ibraahiim Xaaji Cawad (Khooli), Cabdi Muxumad Diiriye.

Buugga 1983 waxa uu Boobe ku soo koobayaa mahadcelinta: “Gabayadan waxaan ka qoray cajalado, dad qaybsanaa iyo qaar iyagoo qoran la I siiyay.” Tusaale ahaan buugga ay ku wada qoran yihiin Saalax Jaamac iyo Boobe waxa jira laba nin oo ay mahad celintoodu ku weyn tahay iyagoo qoraya: “Mahad aannaan awoodi karin inaanu hello ereyadii aan ku sifayn lahayn waxaannu u naqaynnaa Daahir Cadbillaahi iyo Aadan Weris oo na siiyay gabayo badan, gabyaagana ay saaxiib ahaayeen.” Boobe, waxa uu ku soo koobayaa mahadcelintaas labada nin: “Mahad aanan awoodi karin ereyadii aan ku ladhi lahaa waxaan u naqayaa: Aadan Weris iyo Daahir Cabdillaahi oo gacan weyn ii geystay.”

Mahadcelinta buugga 1983 la soo saaray waxa kale oo doorkoodu dhiman yahay ragga gabayada ugu deeqay oo ay ka mid yihiin: Cabdikariim Xaaji Ducaale, Ibraahim Xaaji Cawad (Khoolli), Cabdi Muxumad Diiriye iyo Axmedey Hadaafow. Raggaas “mahad ballaaran” oo keliya ayaa waxtarkooda lagaga gudbay halka buugga hore doorkoodu si cad u qeexan yahay.

Waxaa isna aan buugga 1983 lagu magacaabin Cabdillaahi Qarshe.  Saalax Jaamac iyo Boobe Yuusuf waxay buugga hore ku wada qorayaan: “Waxaan mahad ballaadhan u celinaynaa: …, Cabdillaahi Qarshe oo had iyo jeer noola heegganaa taariikhdii iyo shakhsiyaddii Timacadde,….” Sadarkaasi buugga dambe ciiddaa la raaciyey.

Wax iyana jira rag ay ka mid yihiin Yamyam iyo Cabdi Cagoole oo uu Boobe ku soo daray mahadcelinta buugga 1983, balse aan ku jirin kan ay isaga iyo Salaax wada qoreen 1978.

Mahadcelintaas waxa yar laga bedelay ka sokow, labada buug waa isku mid, sida ku cad labada tusmo, tirada gabayada iyo xataa cinwaanada gabayada. Taas oo muujinaysa in labad buug ay isku mid yihiin, kuna habboonayd Boobe in uu buugga markii uu daabacay ku soo saaro labada qoraa ee ay hawshu ka dhaxaysay. Waa laga wanaagsanaa in saaxiibkiis oo markaa dalka ka maqnaa uu ka saaro magaciisa, kuna soo koobo doorkiisii mahadcelin.

Labada afeefood iyo mahadcelimaha labada buug iyagoo u sawiran siday ugu soo baxeen labada buug halkan ka akhriso :

MAANSADII TIMACADDE , Ururuntii Boobe Yuusuf iyo Saalax Jaamac,
Luulyo, 1978, XAMAR

AFEEF

Buuggan oo aanu bilownay bishii Diisambar 1975 kii, Waxaanu intii kaanshahayaga iyo awooddayadaba ku jirtey ku soo ururinnay Maansadii Cabdillaahi Suldaan. Waxa hubaal ah inaanaan buuggan ku dhammaystirin maansadii Timacadde. Dhammaystir daayoo, badhna kamaanu qorin. Kaansho umaanu helin inaanu tagno meelihii laga heli lahaa maansada Timacadde. Waxaanu hubnaa in haddaanu tegi lahayn Hargeysa ama Jabuuti, aanu idin soo hordhigi lahayn shaqo intan ka ballaadhan. Tuuji halkan si aad u akhrido iyadoo dhammaystiran

MAANSADII TIMACADDE , Qore Boobe Yuusuf Ducaale,
Muqdisho, 1983,

AFEEF

Buuggan oo aan bilaabay bishii Disembar 1975kii, waxaan intii kanshahayga ahayd ku soo  ururiyey Maansadii Cabidllaahi Suldaan Timacadde. Waxa hubaal ah inaanan buuggan ku dhammaystirin maansadii Timcadde. Dhammaysir daayoo badhna kamaan qorin sidaan aamminsanahay. Awood umaan helin inaan tago meelihii laga heli lahaa gabayadii Timacadde oo dhan, sababo badan daraaddood. Tuuji halkan si aad u akhrido iyadoo dhammaystiran

Source: WardheerNews

(Description of Source: WardheerNews.com in English and Somali — California-based independent news website targeted at Somali and international readers; URL: http://www.wardheernews.com/)

Waa Qolofta (cover) buugii ay soo wada saareen Boobe Yuusuf Ducaale iyo Saalax Jaamac Xuseen, sannadkii 1978.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*