28th March 2024  admin  Category :

Wasaaradda deegaanka dawladda Puntland oo buufin ka wadda gobolka Sanaag .

Kooxo ka socday wasaaradda deegaanka ,Beeraha iyo isbedelka cimiladda Dawladda Puntland ayaa mudo labo asbuuca ka wada Gobolka sanaag Buufinta Ayax ku Habsaday Deegaano hoostaga Degmadda Badhan.

Dooxooyinka iyo Deegaamadda ay buufinta ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah xubeera, taalo buur ,qorof,higla deero iyo Gumar.

Sidoo kale Kooxaha Buufinta Ayaxa ka wada Gobolka Sanaag ayaa weli siiwada buufinta ayaxa si loohelo deegaan cagaaran oo bedqaba.

Buufinta Ayaxa ee ay wasaaradda Deegaanku kawado Gobolka sanaag ayaa waxaa ay qayb ka tahay Ladagaalanka ayaxa ee ay wasaaradu ka wado Guud ahaan deegaanadda puntland.

Waxaana wasaaradu ay ayaxa kula dagaalamaysaa Diyaarado iyo Gaadiid.

Image may contain: plant, tree, outdoor and nature
Image may contain: one or more people, people sitting, mountain, nature and outdoor
Image may contain: nature
Image may contain: one or more people and people standing
Image may contain: sky, mountain, outdoor and nature

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*