27th July 2024  admin  Category :

Weriyihii Ceerigaabo lagu xidhay oo Xoriyaddisa dib u helay.

Jaabir Siciid Ducaale Xaaji Cilmi, oo ka howl gala talafishanka Horyaal oo maalmaha lagu haystay xabsiga Ceerigaabo ayaa maanta la sii daayey.

Weriyahan ayaa waxa loo xiray tuhun ah in war ka baxay talafishanka Puntland uu isagu ka danbeeyey,

Koox ku magcaaban Guddiga amniga gobolka Sanaag oo argagixiso ah ayaa sida la sheegay ka shiray tuhunkan ah in Warkan talafishanka Puntland ka baxay uu sii daayey Jaabir, ka dibna amar ayeey ku bixiyeen in Xabsiga Ceerigaabo oo Kayse oo Ina xaaji Nuur adeer u yahay haysto in loogu yeedho, ka dibna la xiro.

Xabsiga ayaa looga yeedhay, markii uu tegayna waxa la waydiiyey in warka ka baxay Talafishanka Puntland uu wax ka ogyahay. Wuxuu ku jawaabay waxba kama ogi. Waxa xigtay in xabsiga la dhigo

Guddigan amniga ee xirtay weriyahan ayaa waxay ka kooban yihiin Maxamed Axmed Caalin, oo ka soo jeeda beesha Arab, kuna magcaaban gudoomiyaha gobolka, Ina Xaaji Nuur oo ka soo jeeda beesha Habar yoonis, kuna magcaaban gudoomiyaha degmada taliyaha Maleeshiyaadka Muuse Jaamac Dalaf, oo ka so jeeda beesha Dubeys iyo taliyaha nabad sugidda Cabdulaahi Maxamuud Xayle oo ka soo jeeda beesha Aadan Siciid

Weriyahan la xiray ayaa waxa Awoowayaal u ah Xaaji Hoori iyo Xaaji Ducaale oo Ceerigaabo dhisay , madaxna ka ahaan jiray magaaladaas, Maantase Muuse Dalaf iyo Xayle oo ka jawaabaya amarka Maxamed Axmed Caalin oo ka yimid xaafadda Daami ee magaalada Hargaysa ayaa xabsiga xaq daro lagu dhigay dhigay weriyahan asalkiisu yahay reer Ceerigaabo. Weriyahan asalkiisu yahay reer Ceerigaabo oo xaq darada lagu xidhay ayaa maanta damiin lagu sii daayey

Ugu danbayntii waxaan uga digaynaa Muuse Dalaf iyo Xayle inay joojiyaan xariga caruurta reer Ceerigaabo iyo Askarta aad u tababartaan argagixisada buuraha Calmadow. Qaarkiin waa ogyihiin in warbixintii Qaramada midoobey sanado ka hor magacyadiinu ku qornaayeen iyo wada shaqaynta idin ka dhaxaysa argagixiasada

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*