29th March 2024  admin  Category :

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka kooban qaarkamida Isimada Dowladda Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21 October 2018 waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Boqor Burhaaan Boqor Muuse iyo Isimada waxaa duleedka magaalada kusoo dhoweeyay qaarkamida Isimada gobolka sanaag, cuqaal, nabadoono, ganacsato, xildhibaano katirsan baarlamaanka Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Sanaag, kan Degmada Badhan, iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire ayaa Boqorka iyo isimadii lasocdey kusoo dhoweeyay qasriga Suldaanka ee magaalada Badhan, waxaana suldaanakla soo dhoweenta ku wehelinayey Garaad Abdulaahi Cali Ciid iyo cuqaaal kale Isla’marahaantaana waxay halkaas kula hadleen warbaahinta.

Ugu danbeyn, Safarka Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo waftiga balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka kooban qaar kamida Isimada Dowladda Puntland ayaa daarnaa xalinta iyo soo afjarida dhacdadii uu ku geeriyoodey Alle naxariistii jano haka waraabiyee Suldaan Xasan Cali Jibriil oo 21 Sep 2018 ku geeriyoodey Degmada Badhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*