26th April 2024  admin  Category :

BOOSAASO OO LOO QEYBIYAY AFAR XAAFADOOD

Degmada Boosaaso ayaa maanta oo Sabti ah laga daahfuray barnaamij loogu magacdaray maamul daadejin oo magaalada loogu qeybiyay Afar xaafadood oo waaweyn.

Furitaanka barnaamijkan, waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Puntland, maamulka gobalka Bari, kan degmada Boosaaso iyo qaar ka mid ah qeybaha kale duwan ee bulshada Boosaaso.

Afarta xaafadood ee magaalada Boosaaso loo qeybiyay ayaa kala ah, Banderqaasim iyo Baalade oo dhanka Waqooyi ah iyo Buur-cad iyo Biyo-kulule oo dhanka Bari ah.

Maamulka degmada Boosaaso ayaa sheegay in u jeedada barnaamjikan loo hirgaliyey ay tahay, sidii bulshadu si fudud ugu heli lahayd adeegyada dowladda.

Magaalada Boosaaso oo horay u hayd Lix iyo Toban xaafadood ayaa xaafadaha qaar waxaa ku adkaatay in ay adeeyada dowladda u soo doontaan xarunta degmada oo ku taalla bartahama magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*