26th April 2024  admin  Category :

Odayaasha reer Qardhood  oo isu diyaarinaya meertadii xilka madaxweynaha Puntland  ee  sanadka soo socda oo  ay iyagu qaadanayaan, sida dhaqanka Puntland yahay , ayaa baaq dhoolatus ah soo saaray

Siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar, ayaa shir ay ku yeesheen Magaalada Bosaaso waxay kaga hor yimaadeen Ballaarinta Dekeda Magaalada Bosaaso,iyagoona taas sabab uga dhigay in Masuuliyiin Degmada Qardho kasoo jeeda uusan Mashruucan hawl wadeen ka ahayn.

Siyaasiyiinta kulanka ka qeybgashay ayaa waxa ka mid ahaa Khadar Xaaji Mirre oo horey Duq Degmo uga soo noqday Degmada Bosaaso,isagoona madasha ka sheegay in mashruuca ballaarinta Dekeda Magaalada Bosaaso aysan waxba ka socon doonin,isla markaasina ay  ka hor imaanayaan Mashruucan dekeda Bosaaso.

Sidoo kale ujeedka Shirka Siyaasiyiintan iyo odayaashan ayaa ah inaan la dumin karin guryo la calaamadiyey oo la rabo in la dumiyo,kuwaas oo danta guud ee dadka iyo dalka faaiido ugu jirto,waajibna ay noqotay la dumiyo guryahaas tirada yar.

Isku soo wada duuboo Afar Sano ka hor ayay ahayd markii Siyaasiyiin iyo Shacab Degmada Qardho kasoo jeeda ay si tan la mid ah uga hor yimaadeen Barnaamijkii Horumarka Puntland u horseedi lahaa Ee furasha Asxaabta badan,iyagoona sanaadiiq Qardho la geeyey gubay dad badan oo sanaadiiqda wadayna dilay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*