26th July 2024  admin  Category :

Maalintaan maqaalka qornay oo ahayd  shan bil ka hor  iyo maanta wax badan ayaa iska bedeli lahaa  bulshada reer Maakhir haddii ay lahaan lahaayeen  hogaan siyaasadeed iyo mid dhaqan . Maanta xalka qura ee jla gudboon  bulshadda  reer  Maakhir waa in beel kasta oo Xildhibaan ku leh  baarlamaanka Puntland  ay dib ugu yeeraan Xildhibaankooda si ay wada tashi ula sameeyaan sida laga yeeli lahaa Halka Xildhibaan ee  Aqalka sare ee beesha saamiga loo siiyey waxa uu ku salaysan yahay. Sababta Nus Mudug ah iyo gobolka Galguduud u heleen 8 Xildhibaan  Halka gobolka Sanaag iyo nus ka mid ah gobolka  Bari ay u heleen hal Xildhibaan

Maqaalkan bishii May ee sanadkan  ayaan  qornay Bulshada reer Maakhir intooda badan waa akhristeen.

Xildhibaanada Aqalka-sare ee Dowlada Fadaraalka Somaliya qaybta Puntland ay ka heshay ayaa  gaaraya 11-xubnood.

Hadaba sida loogu qaybiyay 11-ka xildhibaan Beelaha Puntland ayaa ah sida tan:-

Mudug:- 2-xubnood,Xubin Leelkase ah iyo xubin Majeerteenka Mudug ah .

Nugaal:- 3-xubnood oo Majeerteen ah

Bari :-3-xubnood,xubin Cismaan Maxamuud oo Majeerteen ah,xubin Cali Saleymaan oo Majeerteen  ah iyo xubin Dishishe ah.

Sool :-2-xubnood.labada xubnood waa Dhulbahante.

Sanaag:- 1-xubin Beesha Warsangeli

Isu gayn Tirada Guud Waa 11-Xubnood.

Xaq Darada ugu Weyn ee Xubnahan loo qeybiyey ayaa ah In Beesha Majeerteen oo Keliya ay heshay 6-Xubnood,halka Beelaha Warsangeli oo degta sadex degmo ee gobolka Sanaag iyo galbeedka gobolka Bari ay heli doonaan hal Xildhibaan

Qaabka  Xubnahan loo qeybiyey ayaa la oran karaa Waa Mid ku Salaysan Qaabkii Xaqdarada ahaa ee 1998 Xubnaha Baarlamaanka Puntland loo qeybiyey taas ay Beesha Majeerteen ay qaadatay 33 kursi halka intii soo Hartayna Beelaha Puntland dega si xaqdaro oo aan loo meel deyin loogu qeybiyey.

ALLSANAAG.COM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*