8th February 2023  admin  Category :

Beesha Isaaq waxeey halgan ugu jirtaa sidii ay ku helli lahayd aqoonsi caalami ah, ma xuma hadii aqoonsiga ay raadinayaan uu ku egyahay dhulka ay degaan oo kalliya, balse waa dad damac xumida naftooda ku jirta awgeed ay keentay ineey sheegtaan dhul aysan laheen. Hadaba, hadii beesha Isaaq ay dooneeyso in dhul aysan laheen ay sheegato, maxaa xal u ah beesha Daarood?

Beesha Daarood  deegaan ahaan, dhul ahaan, dhaqaale ahaan iyo dad ahaan intaba waa ay ka badan yihiin 10 laab beesha Isaaq, balse intaas oo idil oo ay heeystaan, waxeey noqdeen kuwo aan waxba tarreen. Maanta in beel degta Burco iyo Hargeeysa ay sheegato dhul iyo dad aan goosasho diyaar u aheen waa mid laga arkay beesha Daarood.

Ma oranayo dadka guryahooda hallagu weeraro, balse marka qofka uu xeerin waayo Soomaalinimo, Islaamnimo iyo bani’aadanimo, oo kugu hubaynayo argagixiso sida alshabaabka waxaa habboon in qofkaas gacanta loola tago. Maanta meelo ka mid ah Sool iyo Sanaag waxa ka taagan calanka beesha Isaaq ay soo malmaluuqdeen, kuma iman si nabad ah.

Hoggaan xumida heeysata Dhulbahante iyo Warsangeli ayaa ah mid ka dhigtay kuwa jahwareer uu ku dhacay, dadkoodiina waxeey noqdeen kuwo ay kalla qeeybiyeen qooleeysato callooshood u shaqeeystayaal ah. Waxaa dhab ah in Dhulbahante iyo Warsangeli ay isaga fillan yihiin beesha Isaaq waa haddii dadku ay mideeysan yihiin.

Soomaalidu waxeey tiraahdaa, “Ninkii jahwareersan wallaalkiis ayaa u miyir qaba”, Basle Waxaas oo arrimood oo dhacaya, Garoowe iyo Jigjiga nimanka jooga waa kuwo lugaha ay isku saaran yihiin, midka Kenya joogana waa midka Muuse Biixi Nairobi ku soo dhaweenaya, kuwa jooga Gedo iyo Jubooyinkana waa kuwo aanba ogeeyn waxa dhacaya.

Marka aad aragto siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Isaaq oo hadlaya hadaladda ay inta badan soo qaataan waxa ka mid ah:

Dawladnimadeeynii 60kii ayaan la soo noqoney;

Xadkii Ingiriiska ayaan soo xireeynaa;

Soomaaliland inta aan rabbin dhulka haka guurto;

Dhulka ma socdee, dadkaa socda;

Dhulbahante iyo Warsangeli hadii aysan Soomaalilandnimada dooneeyn haka guuraan dhulka, hana u guuraan wallaalahood Majeerteen;

Hadii hadalka badan nalaga deeyn waayo Garoowe ayaan qabsaneeynaa.

Sheekadan aan dhammaadka laheeyn ee ka imanaya beeshaas xalkeeyda muxuu yahay?

 Soomaalidu waxeey tiraahdaa, “Dab aan kulkiisa la arag, lagama leexdo” Taasina ma dhaceeysa inta beesha Daarood ay iska baddelayaan sida maanta ee yihiin, SNM IYO AlSHABAABNA haddii aan dhaga lagu dhufan iyana waxeey ku tallagaleen ineeysan waxba ka beddelin sheegashada dhulka iyo damaca xummida ay  ku raadinayaan aqoonsiga.

2 thoughts on “Beesha Isaaq ma iyagaa dagaalkii sokeeye ku guulaystay?

  1. Jirac

    Ilaahay ha dhowro wariyahan run buu sheegay. Nin lataagan taariikh uusan laheyn iyo damac waalan wuxuu ka arkay dadkii taariikhda lahaa oo jilicsan oo iyagu isku mashquulsan. Wllahi hadii ay oran lahaayeen dhulka beesha Isaaq bas aan la’gono darbi baa la’iskaga xiri lahaa dadkaan waalan oo sida damaca xun taariikhda ku raadsanaya oo dhibaato culus ku haya dadka degan Sool, Sanag, iyo waliba Reer Boorama oo waxaan naga hayey xiligii “Adal wixii ka danbeeyeyna Somali dhibku ku wada dhacday 1918 dad reer miyi u badan baa la ahaa markii awooweyaashayo xoreeyeena dhibkan baa ka danbeeyey oo ay mareyso maanta in cunsuriyiinta Europe tusaale u soo qaataan sidii ka dhacday Norway haduu English siiyey dhul dhiigii awooweyaasheen bal marka hore ha baxsho waa isagii noo soo adeegsaday Singabsinga iyo Sankadhuudhiye. Ismana maamulikareen. Kaaga darane beesha hawiye waaba ku raacsanyihiin. Runta markaan idiin sheego wllahi maalintii shirka telephone ka la’iga saaray waa ku saxsanaa 2005 tii markaan idhi Cawad, iyo Abdulahi Yusef maanu goosano maxaa Xamar nooga daba wadaan waxaan filayaa inaad xusuusataan sidii telephone ka la’iiga saaray “ma ina Cali Dhurwaa baad ku dayan” kabax telephone ka taariikhda iyadaa isqorta maanta hadaan puntland ku noqdo wax kale ma sameynayo ee aan ahayn inaan ka shaqeeyo afti dadweyne ee aan dal gooni ah ka dhigo Puntland” wllahi waa iga go’antahay naf iyo maal waxaan galinay oo aan ilownay xasuuqii muqdhisho, Galkaio, iyo tii dadkayaga loogu geystay Burco iyo Hageisa ee maanta taagan in lagahoodii la yiraahdo Siyaad bare dadkuu xasuuqay weeye anagaa la’inugu arkay waayo dhiigayagii baa u noqday xalaal. Markii Militry ga ahayd dadka deegada puntland xasuuqday 1013 calasha lagu sumeeyey waxay la mid aheyd tii Saddam “Halabja ka geystay” wakaa 16 years baa ka soo waregtay maalintaas aan hadalkaas lahaa wllahi waan ku saxnaa wiil yar oo xanaaqsan bay ii arkayeen lakiin waxaan ogaaday inaan noqon karo “visionary leader.

    Reply
  2. Jirac

    Aad iyo baad u mahafsantihiin qoraalkan haddad post gareysaan waan idiin duceynayaa waayo waxaan jeclahay dadkayagu inay nabad iyo hurumar helaan wax yaalaha aadka aan ula yaabo waxaa weeye dadkayagu miyeysan caqlisan 1993, 1994 kii Burco bay ka soo abaabuleen “Xassan Daahir Aweys” bal eega caqligan ilaa maanta taagan ee dadkayaga lagu dhibaateynsyo may la’aadaan Burco iyo hargeisa wali dagaal kii baa socda oo shaati alshabab loo galiyey oo lagu dhibaateynayo khaasatan dadkayaga fadlan maqaal kavqora aribkaas danbiilahaas sidii sharciga loo marin lahaa qora dhibta isaaq dadkayaga ku hayaan “Sanadkaan inta aanan wadanka tagin si toos ah baan baan idin la soo xiriirayaa telephone kayga e-mail kayga insha Alaah

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*